“Reer Burco waxaan leeyahay haddii aad shalay fartiina eedeen, maantana ha eedina…..Wixii Doorasho La’aana diida”Guddoomiye Xirsi

Burco(Hayaannews)Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Kumannaan kun dadweyne oo wata gaadiid iyo fardo, iyo caleemo qoyan ayaa Weftiga Xisbiga WADDANI kaga hor yimi magaalada Qoyta ee Waqooyiga magaalada Burco.

Musharaxa madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa dadweynaha magaalada Burco kala hadlay fagaaraha Khayriyada Burco, waxaanay sheegeen in xukuumadda Madaxweyne Muuse in ay ku fashilantay hoggaaminta dalka, iyagoo ku eedeeyeen inay dadka kala qaybinayso.

“Aad ayaan ugu faraxsanay midnimada reer Burco Xisbiga WADDANINA waxa uu u taagan yahay waa midnimada qaranka Somaliland. Qarankeenna oo mid ah oo wada-jira oo cududdiisa iyo cuudkiisa isu-geeya oo isku tiirsada ayaanu doonaynaa”.Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Isaga oo hadalkiisa watana waxa uu yidhi“Reer Burco waxaan leeyahay haddii aad shalay fartiina eedeen, maantana ha eedina…..Wixii Doorasho La’aana diida”Guddoomiye Xirsi

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com