“Reer Sheekh-ISAXAAQOOQ Guryihiina Ku Noqda, Guri Nin Kale Ingriis Idin-masiin Karo, idin-Ma Dhalin ..”Garaad Jaamac

Garaadka guud ee Dhulbahante Garaad Jaamac Cali

LAASCAANOOD(Hayaannews): Garaadka guud ee  Dhulbahante Garaad Jaamac Cali ayaa ka digey khatar ka dhalan karta dagaalka Laascaanood haddii uu sii socdo inuu saammeyn ku yeesho nabadgelyada gobolka geeska Africa.

Sidaas-darteedna mar kale ku celiyey baaqiisii ahaa  in ciidanka Somaliland ku laabtaan dhulkooda oo ka baxaan deegaanka Laas-caanood.

Garaad Jaamac oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi; “Arrintani intii ay riiq dheeran lahayd ee ay dhul kale gaadhi lahayd miyirka ha lagu soo celiyo, oo hala yidhaahdo reer Sheekh Isaxaaqow guryihiina ku noqda, guri nin kale Ingiriis idinma siin karo, Ingiriis idinma dhalin, maydaan dhalin, dhaxal kiisa sabab aad ku yeelataan ma jirto”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta oo Salaasa  shaaciyay inuu soo dhaweeyey dhexdhexaadinta Itoobiya ee xaaladda Laascaanood,waxaanu yidhi: “Dawladda Itooobiya oo na tidhi aanu wax idinla qabanno waanu ogolnahay laakiin qaabka arrinta lagu gelayaa waa arrin Somaliland dhexdeeda ah, garaaddadana diyaar baanu u nahay inaanu la hadalno, madax-dhaqameedkuna waa iga wakiil wixii ay keenaan ee nabad lagu helayana diyaar baan u ahay”

Garaadka guud ee Dhulbahante Garaad Jaamac Cali

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Musafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com