“Reer WADDANI iyo Somaliland Oo Dhan Waxa Aanu Leenahay Aynu Doorasho Isu Diyaarino” Guddoomiaha WADDANI Xirsi Cali X. Xasan.

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Komishanka doorashooyinku diyaariyeen, isla markaana ay dhamaystireen dhinacooda diyaarinta qorshaha iyo jadwalka doorashada  Madaxtooyada ee sannadka dambe.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayey Munaasibad loogu sameeyey Hadhimo sharafeed, ayaa xusay in Komishanku u gudbiyeen Madaxweyne Biixi qorshaha doorashada iyo Miisaaniyadda la qabanayo, loona baahan yahay in dhinaciisa uu dhamaystiro wixii ku xidhan

“Waxa aan leeyahay doorasho ayeynu u soconaa ee aynu doorasho diyaarino. Madaxweynaha waxa la yaala codsigii uu Komishanka doorashooyinku u direen oo ahayd in qorshihii doorashada lagu qabanayey iyo Miisaaniyaddiiba waxa ay u  gudbiyeen Madaxweynaha oo uu la yaalaan. Haddii ay habsaanto isaga (Madaxweynaha) ayey ku habsaantay, Markaa Reer Waddani iyo Somaliland oo dhan waxa aanu leenahay aynu doorasho isu diyaarino. Ninkii wax kale u gacan taagayaa, isaga ayey u taalaaye, waxa innoo ballan ah doorasho.” Ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com