“Runta Oo Aad Waajahdo Ayaa U Ah Bilow inaad Xal Heshid” Garyaqaan Guulleed Dafac

Garyaqaan Guulleed Dafac

Labadii siyaasi ee ka soo jeeday Gobolka Sool ee hogaaminayay ururo siyaasadeedka kala ah (Shacabka iyo Waaberi) Cabdirisaaq Ibraahim Cataash iyo Saleebaan Xaglo toosiye, way iskaga tageen siyaasaadda Somaliland, dagaalka Laascaanood darteed. Labadooda oo qudha ayaa urur siyaasadeed madax ka ahaa, marka la eego siyaasiyiinta ka soo jeeda Sool.

Labada siyaasi ee la soo doortay ee ugu derejo sareeya Sool waa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo gudoomiyaha degmada Laascaanood. Labaduba way hadleen oo waxa ay sheegeen in dadkoodii si daran loogu laayay Laascanood waxa na ay ku baaqeen in Somaliland ciidankeeda la baxdo. Waxa ay ixtiraameen go’aankii 6 February ay garaadadu soo saareen. Garaadadaas ayay ka go’daa arinka Sool ayay yidhaahdeen.

Marka halkaas la joogo, saw war cad oo aan daah saarnayn maaha in aan Somaliland maanta ka haysan Sool cid micno leh oo dadka deegaanka ku xidhan? Marka xaalku sidaas yahay, ma wax xal ah oo aad moodeen marin haboon, in waxa Sool ka dhacay lagu eedeeyo cid kale oo la yidhaahdo duni kale ayaa laga soo duulay? Yaa soo duulay? Ma afartii siyaasi ee ugu sareeyey gobolkaas, markaga xagga Somaliland laga eego, waxa ay arkeen iyo aragtidooda inta la iska indho tiro, ayaynu samaynaa malo awaal aan ku dhisnayn xaqiiqda saaka taal Laascaaanood?

Laascaanood waxa halkaas geeyay xaqiiqda oo la iska indho tiro oo laga door biday malo awaal iyo sheeko lagu sameeyey maqaaxiyaha Hargeysa balse aan ool Laascaanood iyo deeganada kale ee la midka ah.

Halkii khibrad iyo waayo aragnimo laga korodhsan lahaa wixii dhacay, maaha in weli la sii hayo wadadii hore oo la fisho is bedel.

Khaladka iyo is diidsiintu waxa ay taal Hargeysa. Runta oo aad wajahdo ayaa u ah bilaw inaad xal heshid.Haddii aad qarsatid cudurka ku haya, ha filan inaad dawadiisa hesho. Gaar ahaan haddii uu yahay cudur dilaa ah.

Siyaasiyiinta Somaliland, gaar ahaan intooda talada haysa, way dooran karaan inay ku sii dhex jiraan heesaha ay iyagu ereyada leeyihiin, laxanka ku ladheen, muusiga saareen, islamarkaana iyagu qaadayaan, hadana ay sacabka isku tumayaan. Halka ay gaysona waa loo joogi, wixii nool.

Mid kale se, way dooraan karaan. Inay iska baqtiiyaan heestaas. Oo runta wajahaan, inkasta oo ay qadhaadhahay. Xalku halkaas ayuu ku jira.”

Garyaqaan Guulleed Dafac

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com