Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujiyay ‘Wax Isdaba Marin Xagga Habraaca Iyo Dib-u-Dhaca Hannaanka Doorashada Soomaaliya.’

“Madaxda Soomaalidu Ha joojiso Daan-daansiga Iyo Adeegsiga Xoogga” Beesha Caalamka.

Muqdisho(Hayaannews): Saaxiibada beesha caalamka ayaa ugu baaqay ee madaxda Soomaaliya ‘inay danta dalka ka hormariyaan wax walba,isla markaana dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan’.

Sidaa waxay Saaxibada Beesha caalamku sheegeen Warsaxafadeed ay si wada-jira caawa oo soo saareen

Saaxiibada Caalamka ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay inay ka joogsadaan waxay ugu yeedheen daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.

Waxay sheegeen inay sidoo kale ka walaacsan yihiin ‘wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya.’

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay, iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah in degdeg ah loo hirgaliyo heshiisyadii 17-kii September 2020 iyo 27-kii May 2021 oo ay sheegeen inay saldhig u yihin doorashooyinka.

“Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka Beesha Caalamka.

War-murtiyeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com