Sababaha La La Xidhiidhinayo Xadhiga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Saaxil

Hargeysa, (Hayaannews)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa Khamiistii maanta lagu xidhay magaalada Berbera, ka dib markii lagu eedeeyey in meherad uu Berbera ku leeyahay lagu dhex-qabtay alaab dhacday oo uu iibinayey.

Waaxda Fayo dhawrka dawladda hoose ee degmadda Berbera ayaa sheegtay in xadhiga Sheekh Saleebaan Siciid yimi ka dib markii uu diiday in meheradiisa laga qaado cunto dhacday oo lagu iibinayey.

Madaxa Fayo dhawrka dawladda hoose ee Berbera Cabdirisaaq Maxamuud Ismaaciil ayaa sheegay in hadii meheradaha ganacsiga lagu arko alaabta dhacday oo meel la iska dhigay in laga qaado hadii la arko isago iibinaya laga qaado ganaax hadii uu diidana xabsiga loo taxaabo“ Sheekh Saleebaan waxaanu kaalintiisa ku qabanay alaab dhacday, alaabta la dhacday hadii tukaanku meel gaar ah iska dhigo waanu ka qaadna, hadii uu iibinayo oo talaagada ku jiro waxaanu ka qaadna ganaax hadii uu diidana waa xabsiga, waxaanu diiday in laga qaado, waxaanu sheegay inuu soo bedelayo haseyeeshee arrintaasi waan ka diiday sidaas baa lagu xidhay, waana ka haynaa muuqaal iyo sawiro isagoo alaabtii aanu ku qabanaya doonaya inuu gurto”ayuu yidhi madaxa Fayo dhawrka Berbera Cabdirisaaq Maxamuud.

Waa masuulkii ugu horreeyey ee lagu xidho alaab dhacday ayuu iibinayey, waxaanu hadda ku jira saldhiga dhexe ee magaalada Berbera.

Sidoo kale, Warkiisa waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan: