“Sababta Loogu Ogolaaday Maxamed Cumar Carte Hargeysa Inay Tahay Odaygii Aabihii Ahaa Oo Loogu Qaylo Diray…………”
October 24, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews): Cali
Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa sheegay imaanshiyaha Maxamed Cumar Carte ee
Magaalada Hargeysa ay ka danbeysay, kadib markii Aabihii oo xanuunsanaya loogu
qeylo dhaan direy. Sidaa waxa uu Cali GUREY waxa uu
ku sheegay qoraal uu soo saaray oo ay maanta heshay Shabakada Hayaannews
“Sababta loogu ogolaaday
Maxamed Cumar Carte Hargeysa waxan filayaa in ay tahay odaygii aabihii ahaa oo
loogu qaylo diray oo loo sheegay in aanay kana bixin kuna jirin. Taasi ma
siyaasad bay noqonaysaa mise sabab bini’aadminimo?
Kee baase mudan siyaasadda iyo
bini aadminimada. Kolay aniga xagayga waxa mudan bini’aadminimada balse way
jiri karaan dad ay siyaasaddu kala mudan tahay dadninada iyo xataa malaha
diinta islaamka. Iyagana waa garashadooda.
Xataa dhinaca diinta in loo diido
in aabihii oo sakaraad ah dul yimaado iyo in loo ogolaado waxa sax ah in loo
ogolaado; dadnimo ahaan, diin ahaan iyo dhaqan ahaanba.
Balse qofka intaaba aan xeerinayn badda ha ku dhacdo haduu doonayo. Waxa uu sheegi karo ayaaba iska yare. Hadda kuma jiraan kuwa aan sheegayo caruurta dhalatay 90s-kii ee aan iyagu wax badan ogayni”