Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay
February 13, 2019 - Written by editor editor
Warar xogogaala oo uu
Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in saddexda masuul kala yihiin Wasiirul
dawlihii Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye, Wasiir-xigeenkii qorshaynta Axmed
Aadan Ismaacil (Kayse) Wasiir-xigeenkii caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo
isaga uu Siilaanyo xilka ka qaaday ka hor ololihii doorashadii madaxtooyada ee
2017. Khadar iyo Axmed-kayse ayaa iyagu Siilaanyo la dhammaystay wakhtigiisii.
Si rasmi ah looma
garanayo ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa socdaalka ay saddexdan masuul ee
xilalka soo qabtay ay ku tageen magaalada Muqdisho, lamana garan karo in
socdaalkoodu yahay mid siyaasadeed iyo inuu ku saabsanyahay dano shakhsi.
Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu masuuliyiintan la xidhiidho si aanu wax uga weydiino socdaalkooda ayaanay noo suurtogelin.
Wasiirul dawlihii
cadaaladda Khadar iyo wasiir-xigeenki qorshaynta Axmed-kayse ayaa iyagu ka
tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, halka uu
wasiir-xigeenkii Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo uu Siilaanyo xilka ka
qaaday uu isagu ka tirsanyahay golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo uu ku biiray