Safaaradda Mareykanka Oo Baaq U Dirtay Maadaxda SOOMAALIYA

Muqdisho(Hayaannews): Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa baaq u dirtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada xilli shir la filayey inuu ka dhaco Afisyoone uu qabsoomi waayey.

Shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu shalay furmay ayaa waxaan ka qeyb-galin madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

“Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal buuxa oo ku aadan shirka, islamarkaana uu dhammeeyo heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan shuruud la’aan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ay safaaradda soo dhigtay barta twitter-ka.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in xubnaha ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto saddex qodobo ka hor inta aanu shirku billaaban.

Qodobaas ayaa kala ah in amniga goobta la sugo, in madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada, iyo inay shirka joogaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com