Safiir Ugu Baaqay Dawlada Maraykanka Inuu Aqoonsado Somaliland

USA(Hayaannews): John Bolton oo ahaa Safiirkii hore ee u joogay Maraykanka Qaramada Midoobay, ahna dibloomaasi iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka dawladii Donald Trump ayaa u sheegay Los Angeles Times in haddii Shiinaha uu la wareego saldhiga militari ee Djibouti, Maraykanka oo aan lahayn saldhig kale, in markaas ay meesha ka baxayso isku dheeli tirnaanta Geeska Afrika.

Taasna ay keenayso in xididada waa-weyn ee Ganacsiga badda ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ay u wareegi doonaan Shiinaha.

John Bolton waxa uu ku baaqay in la aqoonsado Somaliland, taasna ay tahay ta kaliya ee u banaan Maraykanka.

Hadalka John Bolton, waxa uu imanayaa iyada oo wefdi culus oo ka socda Koongreeska iyo Golaha Guurtida Maraykanka ay ku sugan-yihiin Hargeisa.

Waxa Diyaariyay Axmed Adam

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com