Safiirka Somaliland Ee Koonfur Afrika Oo Ka Hadlay U jeeddada Wefti Uu Hogaaminayo Socdaal Ku Yimi Dalka.

Hargeysa(Hayaannews): Wefti ka socda Midowga  Xisbiyada Siyaasada  Waddanka Koonfur Afrika oo uu Hogaaminayo Safiirka  Somaliland u fadhiya  dalka Koonfur Afrika Axmed  Jaamac  Xasan  ayaa dalka Socdaal ku yimid.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika Ambassador   Axmed  Jaamac  Xasan Shire Gaaweeto oo  warbaahinta  kula  hadlayey Magaalada  Hargeysa ayaa waxa  uu  Sheegay  in  Socdaalkoodu la Xidhiidho  Shirkii  lagu  garab-istaagay  Qaddiyada  Somaliland ee  23 kii  bishii   November ka dhacay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika,

Axmed Jaamac oo  faah-faahin ka bixinayay U-jeeddada Weftigani u yimi  dalka.waxa  uu  yidhi”Socdaalkan aanu ku nimi  dalka waxa uu daaran-yahay oo uu dabo socdaa Shirkii lagu garab istaagayay Qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland  23 ilaa  24  Bishii hore November  ka dhacay  Magaalada  Johannesburg ee dalka Koonfur  Afrika,waxaana ka mid ahaa waxyaabihii Shirkaa ka soo baxay in Shir Maalgashi iyo Ganacsi oo lagu qabto  Sannadkan fooda inagu soo haya Saddexda Bilood ee ugu horeeya Magaalada  Johannesburg, Shirkaas  oo ay ka soo qaybgali doonaan   ganacsatada  Waddanka  Koonfur Afrika sidoo kale lagu soo  marti-qaado  Ganacsatada Somaliland oo wax soo saarka aynu soo saarno lagu soo bandhigo Shirkaas,”.

“Waxaana Shirkaas loo sameeyay guddi ka kooban toddoba Xubnood waxaana imika ila socda  oo  weftigan  ka  mida xubinta  guddoomiyaha  ah  Shirkaas National Organizer of the South Africa Communist Party-SACP Mhelekwa Nxumalo,waxaana uu noqon doonaa Shirkaasu mid  ay  iska  kaashanayaan  labada dawladood Somaliland iyo  koonfur Afrika waxaana laga sii Wada-hadli doonaa sii loo  sii  saxi lahaa in shirkaasu qabsoomo,”.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com