SANAAG Gobolka  Kheyraadka iyo Quruxda Ee Jamhuuriyadda Somaliland

Dal kasta waxa uu leeyahay gobol laf-Dhabar u ah taariikhda sooyaalkiisa, khayraadka dhulkiisa, quruxdiisa, wanaagga cimiladiisa, iyo degsiimadiisa. Gobolka Sanaag waa gobol ku sifooba arrimahaas oo dhan iyo kuwa kaleba. Degmooyinka Gobolka Sanaag waxay kala yihiin Ceerigaabo, Gar’adag, Laas-qoray, Ceel-Afweyn, Dhahar iyo Badhan.

Gobolka Sanaag waxaa uu gobollada kale ee dalka Somalilnad kaga duwanyahay arrimaha soo socda:-

  1. Waa gobolka ay ka soo askuntay ummadda Somaliland isla markaana ay ku duuganyihiin awoowayaashii ay ka soo farcantay (The Cradle of Somaliland People and the Region of The Tombs of their Ancestral Forefathers).
  2. Waa gobolka ugu weyn Dalka Somaliland oo qiimoweyn u leh ummadda Somalilad xagga taariikhda, nolosha, khayraadka iyo degsiimadaba.
  3. Waa gobol qani ku ah Xoolaha, daaqa xoolahq, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska, beeyada, macdanta iwm.
  4. Waa gobol aad u qurux-badan xagga muuqaalka dhulka iyadoo isku darsatay buuro dhaadheer oo cagaaran, xeebo aad u degan oo qurxoon, Kaymo, banaano, taagag, togag iyo dooxooyin.
  5. Waa gobol cimiladiisu aad u wanaagsan tahay oo xillikasta lagu noolaankaro.

BUURAHA SURAD IYO DAALO

Gobolka Sanaag waxaa ku taalla buurta ugu dheer Somaliland oo magaceeda la yidhaado Surad (8,070 feet ayay ka saraysaa badda). Waxaa kale oo ku taal buurta Daalo oo ugu qurux-badan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland taas oo leh laagag dhaadheer oo aad daruuraha iyo xeebta hoos u eegeyso. Waxay Buurta Daalo hodon ku tahay boqolaal dhir oo kala jaad ah oo aan wadanka intiisa kale laga helin, gaar ahaan dhirta dhaadheer ee dayibka oo qoriga dhismaha iyo looxaanta laga sameeyo. Waxaa kale oo ay leedahay kaymo isku dhafan, dhir kala jaad ah, waxayna bixiyaan ur aad u udgoon marka la dhexmarayo. Buurta Calmadow iyaduna waa buur dheer oo aad u qurux-badan kuna wanaagsan beeraha, xoolaha, daaqa xoolaha, macdanta, dal-xiiska iwm. Waxay leedahay dhir iyo geedo kala duwan oo qurux-badan.

Buurta Daalo waxaa kale oo ay aad ugu fiicantahay dal-xiiska oo haddii hudheelo laga dhiso soo jiidanaysa dal-xiisayaal badan oo ka yimaada dacallada dunida. Labada buurood iyo dhulka Sanaag intiisa badan waxay hodon ku yihiin ciid aad tayadeedu u sarayso oo ay wax waliba ka bixikaraan iyo ilo iyo durduro biyo ah oo waraabiya. Waxaa lagu beerikaraa khudradda nooc kasta iyo xataa shaaha, iyo dalagyada kale ee beeraha.

Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda Somaliland u tartanto mustaqbalka, quruxda iyo khayraadkiisa faraha badan ee Eebbe ku manaystay awgeed. Waxaa uu noqondoonaa gobol si weyn caan ugu ah horumarinta xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, ganacsiga, macdanta, dal-xiiska iwm. Waxaa kale oo gobolku aad ugu wanaagsanyahay beeridda midhaha sida farsuga, mishmishka, rumaanka, karaska, tiinka, saytuunka, tufaaxa, iyo noocyada Cinabka. Waxaa kale oo gobolka ka bixikara cuntada nooc kasta oo kale. Buuraha Gobolka Sanaag waxay caan ku yihiin dhirta maydiga, beeyada, xabbagta iwm. Xeebaha quruxda badan ee Gobolka Sanaag waxaa ku yaal dekedo iyo tuulooyin aad uga da’ weyn magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay ugu caansan yihiin dekedaha Laas Qoray, Maydh, Xiis iwm. Gobolka Sanaag waxaa uu noqonayaa degaanka ugu weyn ee ummadda Somaliland ku samata-baxdo mustaqbalka xagga degsiimada marka dadku bato iyo horumarka noloshaba.

 

FAA’IIDOOYINKA JIDKA BURCO-CEERIGAABO (Jidka Siilaanyo)

Wadooyinku waa kaabayaasha dhaqaalaha dal ugu muhiimsan waxayna leeyihiin faa’iidooyin badan oo aan la koobikarin. Jidka cusub ee Burco-Ceerigaabo (500km) waxa uu Gobolka Sanaag iyo dalkaba u leeyahay faa’iidooyinka kala ah:

Wadooyinku waxay isku xidhaan dalka waxayna meesha ka saaraan kala qoqobnaanta iyo isku-gudub la’aanta. Jidka Ceerigaabo waxaa uu meesha ka saaraaya kala-qoqobnaantii iyo isku-gudub la’aantii uu Gobolka Sanaag kaga jiray dalka intiisa kale.

Wadooyinku waxay fududeeyaan is-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada. Jidka Ceerigaabo waxa uu ka qaadanayaa qaybweyn fududaynta iyo sahlidda is-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada Somaliland.

Wadooyinku waxay sahlaan gaadhsiinta dalagyada meelkasta oo dal ka tirsan. Jidka Ceerigaabo waxa uu sahlayaa in wax-soosaarka Gobolka Sanaag (Dalag beereed) uu gaadhikaro meelkasta oo ka tirsan Jamhuriyadda Somaliland iyo in dalagyada gobollada kale ee dalku si fudud u gaadhaan gobolka Sanaag.

Wadooyinku waxay fududeeyaan maalgashiga iyo ganacsiga dal. Jidka Ceerigaabo waxa uu maalqabeenada Somaliland u fududaynayaa inay si weyn u maalgashadaan Gobolka Sanaag siiba xagga ganacsiga, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska iwm, arrimahaas oo Gobolka Sanaag aad qani ugu yahay.

Wadooyinku waxay qaybweyn ka qaataan dhaqdhaqaaqa dadka iyo dalagyada, waxayna dadka ka saaraan go’doonka iyo saboolnimada maadaama ay ku dhiirigelinayso in wax-soosaarka dal la gaadhsiinkaro meelkasta oo la doono. Jidka Ceerigaabo waxaa uu dadka ku nool Gobolka Sanaag ku dhiirigelinayaa inay labalaabaan wax-sooraka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo gobolku qani ku yahay maadaadama ay xoolahooda iyo dalagyadooda si fudud u gaadhsiinkarayaan dalka intiisa kale taas oo keenaysa in dad badan oo gobolka ka tirsan ka baxaan saboolnimada.

Wadooyinkku waxay fududeeyaan in horumarka dhaqaalaha dal uu uu wada gaadho dalka. Jidka Ceerigabo waxa uu gobolka Sanaag u fududaynayaa inay ka qaybgalaan horumarka dhaqaalaha dalka iyo daryeelka iyo horumarinta bulshada gobolkaas oo ay qaybweyn ka helaan Mashaariicda Horumarinta, daryeelka caafimaadka, horumarinta waxbarashada, sancada casriga ah iwm.

Wadooyinku waxay fududeeyaan in si degdeg ah loogu gurmankaro meelkasta oo dal ka tirsan marka dhibaato la soo gudboonaato. Jidka Ceerigaabo waxaa uu sahlayaa in Gobolka Sanaag deg deg loogu gurmankaro haddii ay haleesho masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, daadadka, cudurada faafa iwm.

Wadooyinka waxay qayb libaax ka qaataan difaaca dal si marka dhibaato dagaal la soo gudboonaato deg deg loogu gurmado loona difaaco gobolka. Jidka Ceerigaabo waxaa aad u sahlayaa in gobolkaas dedeg loogu gurmado hadii cadowaga Somaliland u soo hanqal-taago ama soo weeraro si uu u waxyeeleeyo ama u kala dhantaalo qaranimada iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. Baaxadda iyo qiimaha gobolka Sanaag awgeed waxaa lama huraan ah in laga sameeyo saldhigyo ciidan oo difaac ah.

Jidka Siilanyo ee Burco-Ceerigaabo waa halbowlaha isku xidha dalka, horumarka, iyo difaaca dalka. Gobolka Sanaag waa nafta iyo laf-dhabarka Somaliland waayo waa gobolka ugu weyn Somaliland xagga baaxadda dhulka, ugu khayraad badan, ummadda Somalilandna baahitiridoona xagga degsiimada iyo xagga noloshaba marka dadka bato mustaqbalka. SIDAAS DARAADEED, GOBOLKA SANAAG WAA JAWHARADDA DALKA SOMALILAND.

Waxaa xukuumadda iyo ummadda Somaliland lagula talinayaa in Jidka Siilaanyo ee Burco-Ceerigaabo si weyn oo dhaxal-gal ah loo dhiso isla markaana loo jeesto horumarka Gobolka Sanaag. Waxaa maalqabeenada Somaliland lagu dhiirigelinayaa in Gobolka Sanaag ay ku sameeyaan maalgashi weyn siiba beeraha, kalluunka, beeyada, xoolaha, dal-xiiska iwm. Dhismaha jidkan waa guulweyn oo ummadda Somaliland u soo hoyatay guud ahaan iyo Gobolka Sanaag gaar ahaan. JIDKA Siilanyo ee Burco-Ceerigaabo waa jidka isku-xidhka, horumarka iyo difaaca dalka.

Ibrahim Hassan Gagale

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com