SANAAG: Taliye Nuux-TAANI Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Casri Ah Oo Loo Hirgeliyey Ciidanka Qaranka

Ceerigaabo (Hayaannews)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani ayaa  sheegay in Ciidanka Qaranku qeyb yahay horumarka Somaliland isla markaana qayb weyn ka qaadan doono horumarka mustaqbalka ee dalku hiigsanayo.

Taliye Nuux Ismaaciil Taani oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad uu xadhigga kaga jaray Guri casri ah oo Ciidanka Qaranka looga dhisay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, kaas oo hoy ay ku nastaan u noqon doona saraakiisha Ciidanka Qaranka ee booqashada ku taga gobolkaas.

Hoygan oo ka kooban laba dabaq, ayaa leh 3 qol oo fadhiyo waaweyn ah, 10 qol hurdo iyo xafiisyo, waxa ugu horeyn munaasibadda xadhig-ka-jarista gurigan hadallo ka jeediyey Afhayeenka Ciidanka Qaranka G/Sare C/raxmaan C. Xasan oo sheegay in gurigan qiimo badan u leeyahay CQ iyo xukuumada Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, qeybta Saddexaad G/Sare Muuse Jaamac Delef oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xukuumada Somaliland iyo CQ tacab badan geliyeen dhismaha gurigan, isla markaana Taliyaha CQ S/Gaas Nuux xil weyn iska saaray dhismahiisa.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyey ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, isla markaana sheegay inay qorsheynayaan sidii dhismayaal kale Ciidanka Qaranka loogu dhisi lahaa, si ay qeyb uga noqdaan horumarka Somaliland, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa,

“Waxaan ku faraxsannahay furitaanka gurrigan oo Runtii qeyb ka ah horumarka Ciidanka Qaranka iyo dalka Somaliland. Ciidanka Qaranku qeyb muuqda ayuu ka noqonaya horumarka Somaliland gaadhayo Insha Alaah,” ayuu yidhi Taliye Nuux Ismaaciil Taani.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com