Saraakiisha Daryeelka Cashuur Bixiyeyaasha oo Tababar loo Qabtay

Hargeysa (Hayaannews) Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Axmed Muuse Maxamed ayaa tababar ugu soo xidhay 20 sarkaal oo ka kala socday Xafiisyada Daryeelka Cashuur-Bixiyaha ee Waaxaha Cashuuraha-Berriga, Kastamada, Xidhiidhka Dadweynaha iyo Waaxda Arimaha Ganacsiga Gaarka ah.

Tababarka oo qaatay laba cisho waxa hawl-wadeenada lagu barayey aqoonta lagu maareeyo daryeelka macaamiisha (cashuur-Bixiyaha), taasoo looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa isla markaana loo wanaajin lahaa xidhiidhka ay Wasaaraddu la leedahay guud ahaan Dadweynaha reer Somaliland gaar ahaana cashuur-bixiyaha.

Wasaaradda Maaliyaddu Iyadoo fulinaysa awaamiirta Xeerka Maamulka Maaliyada Xeer .Lr. 75/2006, iyo Mabaadi’da Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda, waxay mudnaanta siinaysaa sanadkan 2021-ka tayeynta shaqada iyo shaqaalaha , si loo helo hawl-wadeeno aqoontoodu sareyso, isla markaana, fahamsan hanaanka loola dhaqmo cashuur-bixiyaha.

Wejiga labaad ee tababarkan ayaa loo qaban saraakiisha xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada iyo degmooyinka Dalka guud ahaan.