Sarkaal Shabaab Ah Oo Loo Maxkamadeynayo Qorsheynta Weerar La Mid Ah kii 9/11

Manhattan(Hayaannews):Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa dacwado la xiriira ficillo argagixiso iyo inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab kusoo oogtay Cholo Abdi Abdullah, oo ah muwaadin u dhashay dalka Kenya.

Abdullah ayaa waxaa lagu soo oogay lix fal-damiyeed oo aragagixisanimo, oo ay ku jiraan inuu u shaqeynayey urur argagixiso oo ajnabi ah (Al-Shabaab), iyo inuu shirqoolay inuu afduubto diyaarad, si uu Mareykanka ugu fuliyo weerar la mid ah kii 9/11.

Abdullah ayaa bishii July 2019 waxaa dalka Philippines loogu xiray eedeymo la xiriira dambiyo gudaha ah oo uu galay, waxaana 15-kii December loo soo masaafuriyey Mareykanka, si loogu maxkamadeeyo dacwadda lagu soo oogay.

“Sida la tuhmayo, Abdullah waxa uu isaga oo qeyb ka ah shirqool ay hagayeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, dalka Philippine ku qaatay tababar la xiriira sida loo duuliyo diyaaradaha, isaga oo doonaya inuu afduubto diyaarad ganacsi kadibna ku dhufto dhisme ku yaalla Mareykanka,” waxaa sidaas yiri sii-hayaha xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Manhattan, Audrey Strauss.

Dacwadda ayaa waxaa lagu xusay in Abdullah, oo uu hagayo taliye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, uu u 2016-kii u safray dalka Philippines, halkaasi oo intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019 ku qaatay tababar la xiriira si loo duuliyo diyaaradaha, kadibna uu ka gudbay imtixaanka duuliyenimo si uu helo shatiga.

Waxa uu sidoo kale sameeyey cilm-baaris la xiriirta hababka diyaraadaha ganacsi loo afduubto, iyo sida loo helo dal-ku-galka Mareykanka, sii uu u fuliyo weerarka uu qorsheeyey, sida lagu sheegay dacwadda.

Lixda kiis dacwadeed ee lagu soo oogay Abdullah oo ah 30 jir ah, ayaa kala ah; shirqoolka taageero uu siiyo urur argagixiso (Al-Shabaab), shirqoolka inuu dilo muwaadiniin Mareykan ah, shirqoolka burcadnimo diyaaradeed, shirqoolka burburinta diyaarad iyo shirqoolka fulinta fal argagixiso oo ka gudbaya xuduudaha qaran.

Waxaa la filayaa in maanta uu horyimaado Robert W. Lehrburger oo ah garsoore ka tirsan maxkamadda federaalka ee magaalada Manhattan.

VOASOMALI

Hayaannews, Office