Sarkaal Xukuumadda Somaliland Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood Iyo Dareenka Ka Dhashay .

Waxa ayaan-darro ah in aan meel la saarin dhiigga sida soo noqnoqotay loogu daadinayo Gobolkii xornimada iyo Carradii Daraawiishta.

Laascaanood(Hayaannews)-Sarkaal ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ahaa Isuduwaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool, Maxamed Cabdullaahi Daarood oo ku magac dheeraa (Jeeri), ayaa lagu dilay cawayskii xalay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Alla ha u naxariistee sarkaalka la dilay ayaa la ogayn sababta keentay dilkiisa iyo cidda ka danbaysay,isla markaana  ma jirto wax war oo la xidhiidha dilkaa oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland iyo laamaha ammaanka.

Sarkaalka, ayaa lagu dilay goob suuq ah duleedka Huteelka Power House oo aan ka fogayn waddada Laamiga ah ee marta badhtamaha magaaladda Laascaanood,Waxaana marxuumka la la beegsaday dhawr xabadood oo lagala eegtay maddaxa xilli uu marayey halkaa fiid-caweyskii, iyadoo ay goobta ka carrareen ciddii dilka geysatay.

Maxamed Cabdullaahi Daarood oo ku magac dheeraa (Jeeri), waxay dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadku jecelyahay, isla markaana ka mid ahaa dhalinyarada ugu fir-fircoon gobolka, waxayna ku sifeeyeen geeridiisa mid naxdin iyo murrugo ah.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa caan ka noqday magaalada Laascaanood ku dhowaad tobbankii sannadood ee u danbeeyay, kuwaas oo muddooyinkii u danbeeyey ka nasatay, iyadoo aan shirqoolada dilalka inta baddan ku soo noq noqda Laascaanood ee la la beegsado saraakiisha dawladda Somaliland iyo hal-doorka Bulshada meel la saarin.

Waxa ayaandarro ah in aan meel la saarin dhiigga sida soo noqnoqotay loogu daadinayo Gobolkii xornimada iyo Carradii Daraawiishta. Wasiir Maxamed Kaahin Axmed maxaa waxtar ka dhashay bilihii aad Laascaanood joogtay?