Saudi Arabia: Ganacsiyadu Waa Inay Furnaadaan Xilliyada Salaadaha

Riyadh(Hayaannews): Sucuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu oggolaatay ganacsiyadu inay furnaan karaan xilliyada la tukado shanta salaadooda.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017-kii waxa uu sameeyay isbadallo ballaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah kuwaasi oo lagu doonayo in lagu yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee saliidda.

“Dukaamada iyo ganacsiyada kale ayaa sii furnaan doona maalinta oo dhan iyo gaar ahaan xilliyada salaadaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Rugta Ganacsiga ee dalkaasi.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah faafista coronavirus waxaana looga gon leeyahay in laga fogaado “saxmadda iyo safafka dhaadheer ee albaabada dukaamada xiran xilliyada salaadda”.

Sacuudiga ayay ka jirtay siyaasad ku qasbeysa dukaamada in ay xiraan xilliyada la tukanayo shanta salaadood ee waajibka ah taasi oo isku dar shaqaallaha ka jareysa laba saacadood, waana dalka kali ah ee dunida Muslimka ee ay ganacsiyada qassab ku ahayd in ay albaabada u xiraan xilliyada salaadda la tukado.

Shuruucdan cusub ayaa meesha ka saaraya xayiraadihii oo ay xubnaha la-talinta ee golaha shuuradu ku sheegeen in dhaqaalaha Sacuudiga ay sanadkii uga lunto tobanaan bilyan oo riyaalka dalkaasi ah.

AFP

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com