“Saxiibada Somaliland iyo Somalia Waxay Inaga Rabaan In La Wadahadlo” Cabdikariin Axmed Mooge
February 20, 2019 - Written by editor editor
Waan hambalyaynayaa safarka Madaxweynaha ee Itoobiya, sidoo
kale waxaan aaminsanahay oon tageersanahay in dib loo bilaabo wadahadaladii
Somaliland iyo Somalia, in la sii wadaa wadahadalada waxay ka mid ahayeen
waxyalihii lagu heeshiiyay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Istanbul,Turkiga.
Aduunka iyo gaar ahaan saxiibada Somaliland iyo Somalia waxay
inaga rabaan in la wadahadlo, waana tii keentay in kulamo ku dhex maraan
Somalia iyo Somaliland wadamada Ingiriiska, Jabouti iyo kii ugu danbeeyay ee
dhacay Turkiga, inkastoo hakad ku yimi wadahadalada in mudo ah, In dib loo
bilaabana wadahalada waa daruuri iyo danta labada dhinac!
Waxaan qabaa in la soo dhaweeyo lana tageero wadahadaladu in
ay dib u bilaabmaan.