“Saylac Way Xidhantay, loomana Gurman…..Shir Beeleed halla Qabto..” Xil Casood

Hargeysa, (Hayaannews)-Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiiladda, Axmed Cabdi Kaahin, ayaa baaq adag hawadda u mariyey xukuumadda Somaliland isagoo ugu baaq in gurmad deg-deg ah loo fiddiyo degmadda Saylac oo gabi-ahaaba ay go’doomiyeen biyihii roobabka ee maalmihii inna dhaafay ka da’ayay guud ahaanba geeska Afrika.

Xildhibaan Kaahin oo Khamiistii maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu sheegay in dadka gobolka Selel saamiga ay xaqa u leeyihiin ka helin Xukuumadda Madaxweyne Biixi, isla markaana waxa uu ku baaqay in Shir-beeleed la qabto, maaddaama oo cadaalad-darro badan laga tirsanayo Xukuumadda talada Somaliland haysa sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba, Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-