Shabakada Hayaannews Oo Fashilisay Waraaqihii Dawlada Somaliland Ku Ogolaatay In Maxkamad Lagu Saaro Ganacsade Ahmed Osmaan Geelle
April 2, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):
Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa maanta heshay waraaqihii ay dawlada
Jabuuti u soo gudbisay dawlada Somaliland, taas oo ahayd dacwad ka dhan ah Ganacsade
Axmed Osmaan Geelle, ahna in lagu Maxkamaddeeyo Magaalada Hargeysa.
Dawlada
Somaliland ayaa ogolaatay in Ganacsade Axmed Osmaan Geelle lagu Maxkamaddeeyo
Maxkamadda Somaliland, isla markaana la xayiro hantidiisa.
Waraaqdan ka soo baxday dawlada Jabuuti oo ku qornayd Faransiis ayaa waxa ogolaatay oo shaanbadeeyey Wasaaraha arrimaha Dibada Somaliland oo waxa shaanbada ku dhuftay Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi, Halka uu Wasaarada Cadaallada Somaliland uu Shaanbadeeyey, isla markaana uu saxeexay Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Cabdiraxmaan Musaabaqo.