“Shacabka Waxaan Ugu Baaqayaa inay Joojiyaan Daawashada Beenta Bulshada Lagu Kala Qeybinayo Ee Ka Baxda TV-ga QARANKA” Xil. Mohamed Khadar

“TV-ga Qaranku wuxuu caaddaystay in uu aflagaado joogta ah hawada u mariyo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif”

Hargeysa(Hayaannews): Xildhibaan Maxamed Khadar oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku eedeeyey Telefiishanka qaranka Somaliland inuu caadeystay inuu aflagaado joogta ah hawada u mariyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Xildhibaan Mohamed Khadar waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu maanta soo saaray, kaas nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“TV-ga Qaranku wuxuu caaddaystay in uu aflagaado joogta ah hawada u mariyo mar walba masuulka saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (Gudomiye Abdirisaaq Khaliif), Isaga oo xasaanad weyn dastuurka dalku siiyey huwanna karaamadi goole weynaha shacabka Somaliland.

Waxaynu ognahay in Miisaaniyadda uu ku shaqeeyo Tv-ga sita magaca qaranka ee ku shaqeeya magaca iyo rabitaanka Xisbiga Kulmiye tahay cashuurti shacabka, hadday sidaa wax ka bedelli waayaana ha ogaadan in cashuurta shacabka mar bambe qaadan doonin oo Miisaniyadda ka goole ahaan aanu ka jari doono.

Ugu dambayn dhammaan taageerayaasha Xisbiga UCID iyo Shacabkii sharafta lahaa ee sida weyn ii soo doortay waxa aan faraya in ay joojiyaan daawashada beenta bulshada lagu kala qeybinayo ee ka baxda TV-ga Xisbiga KULMIYE”

Arrintan ayaa ka danbeeyey kadib markii uu shalay baahiyay Telefiishanka Qaranka Somaliland war ku lidi ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, taasina ayay sababtay in  gebi ahaanba Telefishanka Qaranka Laga mabnuucay inay wararka ka duubaan Golaha Wakiilada .

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com