Shan Qof Oo Soomaali Ah Oo Qabow Ugu Dhintay Xadka Turkiga iyo Giriiga Iyo Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay.

Turkiga Oo Ku Eedeeyey sababta dhimashada dhalinyarada Soomaaliyeed Dawlada Giriiga.

Muqdisho(Hayaannews): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay in shan ka mid ah 12-kii tahriibayaasha ee dhawaan qabowga ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga ay ahaayeen Soomaali.

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, waxayna dalbatay in la sameeyo baadhitaan ku aadan dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shanta qof ee ku dhintay ee Soomaalida ayay dowladdu magacyadooda ku sheegtay:

  • Cabdi Mahdi Cali oo ka soo jeeday magaalada Muqdisho.
  • Yaxye Jamaal Muumin oo ka soo jeeda Boorama
  • Abuubakar Axmed Ibraahim oo ka soo jeeda magaalada Boorama
  • Naasir Suleymaan Xasan oo ka so jeeda magaalada Jigjiga
  • iyo Najax Cabdi Axmed oo isna ka soo jeeda magaalada Jigjiga

“Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay ka dalbaneysaa dalalka ay arrintani khuseysa iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay si deg deg ah u sameeyaan baaritaan ku aadan sida ay muwadiniinta Soomaalida ku dhinteen,” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda

 

Siday Wax u Dhaceen

Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga inay tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduuda, taasi oo sababtay inay qabow u dhintaan.

Giriiga ayaa isna dhankiisa ku gacan seydhay eedeymahaasi.Turkiga oo muhaajiriinta ka hor istaagaya inay dhanka badda ka galaan Giriigga

Labadan waddan ee ku yaalla badda Mediterranean-ka ayaa marar badan isku maan-dhaafay xaaladda muhaajiriinta ka soo talaabaya xudduudaha dhanka dhulka iyo badda ee ay wadaagaan.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegaya in meydadka sagaal ka mid ah muhaajiriintaasi la helay subaxnimadii shalay oo Arbaca ahayd, arrintaasi oo keentay in baaritaan laga sameeyo aagaasi kaddibna la helo meydka laba qof oo kale.

Yaxye Jamaal Muumin ayaa ka so jeeday Boorama, wuxuuna qabow ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga

Qof kale oo qabowga ba’an uu haleelay ayaa isla aagaasi laga helay wuxuuna markii dambe ku dhintay isbitaalkii lagu daweynayay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ciidammada ilaalada xadka ee dalka Giriiga in ay dadkaasi muhaajiriinta ahi ka furteen dharkii iyo kabihii ay xirnaayeen, ka hor inta aysan dib ugu celinin xudduudda Turkiga la wadaago dalkaasi xilli qabow ba’an uu jiray.

Giriigga ayaa marin u ah qaxootiga iyo muhaajiriinta ku wajahan qaaradda Yurub. Haseyeeshee Giriiga ayaa adkeysay xudduudihiisa tan iyo markii saandkii 2015 ay dalkaasi galeen muhaajiriintii ugu tirada badnaa.

Waxa uuna ku doodayaa in uu ilaalinayo xudduudaha dibadda ee Midowga Yurub, waxa uuna ku eedaysay Turkiga in uu ka gaabiyay ka hortagga safarrada halista ah ee muhaajiriintu ku soo galayaan qaaradda Yurub.

Isagoo ka falcelinaya dhacdadani ugu dambeysay ayaa Mitarachi wuxuu yiri: “Intii uu jeedin lahaa eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn, Turkigu wuxuu u baahan yahay in uu guto waajibaadkiisa oo uu ka shaqeeyo sidii uu uga hortagi lahaa qulqulka muhaajiriinta galaya qaaradda Yurub ee naftooda khatarta gelinaya.”

 

BBC Somali

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com