“Sharciga oo lagu Dhaqmaa waa Guul” Faallo: Xuseen Cali Nuur

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu toddobaadkan shaaca ka qaaday in diiwaangelinta ururrada Siyaasiga ah lagu dhawaaqi doono bisha June ee sannadkan. Waxa ku xigi doona doorashada madaxweynaha oo saddexda urur siyaasi ee ku guulaystaa ay ku tartami doonaan 13ka Bisha November. Doorashada Golaha Guurtidu wuxuu noqon doonaa mid ka duwan qaabkan, waana la soo xuli doonaa.

Saddexda doorasho oo ku sallaysan sharciga doorashada ee qaran, waxay albaabada u xidhi doonaan, muddo xileed kordhinta Madaxweyne iyo Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose, oo tan iyo 1993kii saddex madaxweyne oo iskaga dambeeyey ku soo dhaqmeen. Kordhinta muddo xileed waxay ahayd dhibcaha madow ee ku yaal hab doorashada dimuqraadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waana lagu dhaliili jiray.

Doorashooyinkan oo wakhtigooda si sharci ah ugu dhacaa waxay muujinayaan in dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ay tahay mid ka duwan dalal badan oo dunida saddexaad ku yaalla. Kuwaasi oo aan ku koobnayn kordhin muddo xileed oo qudha, balse qaar ka mid ahi xil jacayl awgeed dastuurka dalalkooda u yaalla ay qoddobo ka beddelaan. Waana sababaha dalal badan oo Afrika ku yaalla madaxdoodu u yihiin kaligood-taliyeyaal, dalalkooda u horseeday dagaallo iyo burbur.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu kula dardaarmay khudbadii uu ka jeediyey munaasibadda qalin-jabinta 410 sarkaal oo ka soo baxay kulliyada Ciidamada ee Cabdilaahi Askar, in xilka saarani yahay difaaca qaranka JSL.

Waxa kaloo uu tilmaamay madaxweynuhu in ay u xil-saaran yihiin sugida doorashooyinka inay si nabadgelyo iyo xasiloon u dhacaan. Isla mar ahaantaana ka ilaaliyaan wax kasta oo carqaladeyn kara. Carqaladahaas oo noqon kara kuwo caadifadi keentay.

Khudbadaa taariikhiga ah waxa uu ugu baaqay dagaalka Ruushka iyo Ukraine in shuruud la’aan loo joojiyo, wuxuuna yidhi “Duqeynta madaafiicda iyo taangiyada ee caasimada Ukraine ee Kiyeef, wuxuu xusuusiyey in 1988kii lixdan madfac oo kala duwan, ay si siman magaalada Hargeysa u duqeynayeen. Waxana intaa dheeraa 30 Taangi magaalada Hargeysa lagu soo weeraray.”

Maaha arrin naga qarsoon in taliska Villa Soomaaliya tan la soo noqoshadii xornimada ay JSL ku hayaan farogelin iyo colaad joogto ah oo aan xad lahayn. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu taliskaa u sheegay in JSL tahay dal nabada jecel, uguna baaqayso nabad ku wada noolaanshaha. Awoodeedana ay saarto horumarinta dalkeeda.

Hase ahaatee, Madaxweynuhu wuxuu uga digay taliskaa Muqdisho ee ka maarmi la’ dagaal in duruustii hore loo siiyey cashar ka culus la siin doono haddii aanay faraha ka qaadin farogelinta arrimaha Somaliland.

Dagaalka Ukraine ka socdaa wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa mustaqbalka dhow iyo ka fog dunida oo bad xidhan dhici karo. Sidaas darteedna loo baahan yahay in dalku keyd yeesho, lana kordhiyo wax soo-saarka baahiyaha aasaasiga ah.

Khudbada Madaxweynuhu wuxuu uga mahad naqay gurmadka ganacsatada ee abaaraha. Wuxuuna yidhi “Xukuumaddu dhaqaalaha dalka Boqolkiiba 4 qudha ayey maamushaa. Marxaladan adag ee lagu jiro waxa lagaga bixi karaa midnimo iyo iskaashi, waxana habboon in ganacsatadu faa’iidada xiligan ay heli lahaayeen la wadaagaan shacbiga.”

Waxaan leeyahay dhawr iyo labaatan sannadood ayey saaxiibadeen nagu dhaliili jireen kordhinta muddo xileedka Madaxweynaha iyo goleyaasha qaar, maanta oo sharcigii doorashada siduu yahay loogu dhaqmaa waa guul, ku dhaqan la’aantiisuna waa hoog iyo halaag.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com