Sheekh Aadan-SUNNE iyo Qoyskiisa Oo Laga Afduubtey Magaalada Hargeysa

Hargeysa(#Hayaannews)Sheekh Aadan sunne oo ka mid ah Culimadda Waaweyn ee reer Somaliland ayaa isaga iyo qoyskiisiiba la la’yahay meel ay ku sugan yihiin iyo xaaladooda nololeed muddo sadex maalmood ah kadib markii lagala baxay gurigooda oo ku yaaley magaalada Hargeysa.

Qoyskan la qafaashey oo tiradoodu dhan tahay 13 qof, kana kooban kow iyo tobon caruur ah ,Hooyadood iyo Aabahood ayaa la sheegay inay u soo daateen gurigooda ciidan aan la gareneyn meel ay ka socdaan iyo cida soo amartey midkoodna, kadibna la baxeen oo u qafaasheen meel aan la garaneyn ilaa iminka.

Lama ogga sababta loo qafaashey qoyska Sheekh Aadan Sunne,haseyeeshee, waxa falkan Werwer ku abuurey guud ahaan Bulshada reer Hargeysa, gaar ahaan Ehelada Sheekh Aadan Sunne.kuwaas oo ka codsadey laamaha Amniga iney la wadaagaan wixii xoggo ah ee ay ka ogyihiin arrinta qoyskaas.

Inkasta oo falkan qafaalashada ah ee lagula kacey qoyskan Muwaadiniinta ah uu yahay mid ugub ah oo aaney Somaliland hore uga dhicin in tiro dad ah oo inta le’eg laga dareersado gurigooda, haddana waxa xusid mudan in hore loo xidhey Sheekh Aadan Sunne,balse, la sii daayey markii danbe.

Qafaalashada Sheekh Aadan Suune ayaa ku soo beegantay, Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi inuu safar shaqo ku tago dalka Mareykanka maalinta beri ee Khamiista.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com