Sheekh Berberaawi Oo Ummada U Faah-faahiyey Sifooyinka Adoomada ILAAHAY SW Lagu Noqdo, Ee Cadaabta Lagaga Badbaado

Hargeysa(Hayaannews):Sheekh Cabdillahi Xasan Xaashi (Berberaawi) ayaa ummada ugu baaqay inay noqdaan adoomo ku sifooba ixsaan-fal,  qofwalba-na ku dedaalo inuu noqdo  mid waxtar u yeesha ummada, oo dadka magaciisa, muuqiisa, maalkiisa iyo muruqiisa ku anfaco, uguna ixsaan falo, taasoo ka mid ah sifaadka Ilaahay adoomadiisa ku jeclaado.

Khudbadii Jimcaha ee maanta (shalay) oo Sheekh Berberaawi kaga hadlay sifooyinka Ilaahay SW adoomadiisa ku jeclaado marka ay la yimaadaan, ayaa ku bilaabay, qofka bani’aadamku derejooyinka ugu sareeya uu gaadho wa ainuu noqdo adoon Ilaahay SW jecel yahay, markaa muhiimadu wa ain qofwalba ku dedaalo siduu adoon Ilaahay SW jecelyahay u noqon lahaa, taasoo faa’iidooyinka ugu horeeya ee qofku helayo noqon doonto inuu ka badbaado cadaabka (Ilaahay SW ha innaga badbaadiyee, Aamin), waxaanu ku guulaysan doonaa Janooyinkiisa naciimka ah.

Sheekh Berberaawi ayaa sheegay in Nebigu CSW xadiis ku yidhi, sida imam Axmed ku werinayo musnadkiisa, “Ilaahay SW ma cadaabo adoon uu jecel yahay” oo yeeshay sifaadkii Ilaahay SW ku jeclaan lahaa. Ilaahay SW haduu ku jeclaado wuu ku ilaalinayaa, oo diintaada, naftaada, ehelkaaga iyo shaqsiyadaada ayuu kuu ilaalinayaa. Waxaad noqonaysa aadoon Ilaahay SW wanaag dhamaantii uu waafajiyo.

Xadiisal Qudsi Rasuulku NNKH uu Ilaahay SW ka weriyey, ee Imaamul Bukhaari saxiixiisa uu ku qoray, “Adoonku markuu guto waajibaadka, kuna darro sunneyaasha, Ilaahay SW waxuu yidhi waan jeclaanayaa,” taasoo natiijadiisu noqonayso, inuu Ilaahay SW adoonka ilaaliyo, oo xumaanta ka dhowro, maqalkiisa ayuu u ilaalinayaa, aragiisa ayuu u ilaalinayaa, gacmahiisa ayuu u ilaalinayaa oo xaaraan kuma taabanayo, lugihiisa ayuu u ilaalinayaa, xaaraan ugu socon mayo? Haduu baryo ducada waa laga aqbalayaa, haduu cid sharkooda magangelyo ka weydiistana, Ilaahay SW wuu magangelinayaa.

Nebigu CSW waxuu sheegay hadii adoon Ilaahay SW jeclaado, waxuu u dhawaaqa Malakul Jibriil, oo ku yidhaahdaa ‘waxaan jeclaaday hebel, ee adiguna jeclow’ markuu Jibriil, jeclaado ayuu u dhawaaqaa makhluuqaadka Samada oo yidhaahdaa, “Ilaahay  SW hebel wuu jeclaaday, idinkuna jeclaada’ makhluuqaadka samadu marka ay jeclaadaan, ayaa makhluuqa dhulka loo soo dejiya, oo aqbal iyo kalgacayl Ilaahay SW dhulka u dhigaa’.

Sheekh Cabdillahi Berberaawi ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii adoonku isku weydiin lahaa asbaabaha Ilaahay SW adoomada ku jeclaado, ka dibna naftiisa miisaanka saaro inuu leeyahay sifaadka Ilaahay adoomadiisa ku jeclaado? si uu ugu dedaalo ku dhaqankeeda. Ilaahay SW kitaankiisa ayuu inoogu sheegay sifaadka qofkii yeesha adoomadiisa uu ku jeclaado, sifaadkaa oo fudud, cidduu Ilaahay SW u fududeeyo. Ilaahay SW waxuu u ballanqaaday adoonka naftiisa la jihaada, inuu wadooyinka saxda ah klu hanuuninayo. Sifaadka kitaabka Ilaahay SW lagu sheegay inuu adoomadiisa ku jeclaado, waxa ka mid ah sifada Alle-ka-cabsiga oo adoonku naftiisa iyo cadaabka Ilaahay SW wax iskaga gudbo? Ilaahay SW waxuu jecel yahay adoomada taqwada ku sifooba! Nebigu CSW waxuu xadiis inoogu sheegay “Ilaahay Sw waxuu jecel yahay adoonka taqwada ku sifooba, hogaansama, kana amar-qaata, aan is-muujin ee qanniga ah, ee xalaasha Ilaahay SW siiyey ku qanacsan.’

Sifaadka kala duwan ee Ilaahay SW adoomadiisa ku jeclaado waxa ka mid ah;

  • Sabirka-Ilaahay SW waxuu jecel yahay adoomada sabra. Masiibooyinka marka ay ku dhacdo waa inuu sabro, oo waxyaalo Ilaahay SW necebyahay aanu samayn, sida baroorta, iwm. Waa inuu axkaamta ilaahay SW naftiisa ku sabirsiiyo, waajibaadka iyo sunnooyinka samayntooda naftiisa ku sabirsiiyo. Hadii sabir lagu siiyo wanaag oo dhan ayaad haysataa.
  • Ixsaan (Samo-falka) oo laba nooc ah, Rasuulku CSW ayaa inoo fasiray “Inaad Ilaahay SW u caabudo sidii adigoo arkaya, hadaanad arkayn Ilaahay SW ayaa ku arkaya” wa aderejada ugu sarreysa ee qof diinta ka gaadho. Markaad Ilaahay SW u caabud adigoo o goo dareensan inuu ku arkayo. Siduu Ilaahay SW kitaabka inoogu sheegay inay indhahiisu inna hayaan marka aynu caabudeyno ee u sujuudeyno, kana soo toosayno. Ixsaanka qeybta labaad waa mid khalqiga Ilaahay SW loola yimaado. Nebigu CSW waxuu yidhi “Shay walba Ilaahay SW waxuu qoray oo sharciyeeyey in ixsaan lagula dhaqmo. Cidda dil mutaysatay, bani’aadam iyo xoolo, si wanaagsan u dilla, oo nafta ha ku silcinina? Ixsaanka xoolaha waxuu Nebigu CSw sheegay inaan neefka mindida lagu gowracayo hortiisa lagu soofayn? Oo xitaa neef kale hortiisa aanad ku gowricin ee kala qariso markaad gowracayso. Ixsaanka khalqiga, waa inay wanaag kaa helaan, oo qof waxtar leh u noqotid, magacaaga, muuqaaga, maalkaaga iyo muruqaaga ku anfacdo. Dhibaatada dadka ka deyso, siduu Nebigu CSW xadiis inoogu sheegay “Muslimku waa qofka carabkiisa, iyo gacantiisa muslimiintu ka nabadgasho.”
  • Cadaalad- cadaalada ugu sareysa waa in Ilaahay SW loo gaar yeelo, waxuu gaar u leeyahay, dembi waxa u weyn in Ilaahay SW cibaadada cid kale lala wadaajiyo. Dadka qaarkii ayaa cadaalad mooda in wax walba la simmo, waa fikir khaldan oo caqliga khilaafsan intaan sharciga la gaadhin. Ilaahay SW adoomadiisa abuurkooda muu simmin, rag iyo dumar ayuu ka dhigay, yar iyo weyn, mid caalim ah iyo mid jaahil ah, mid xaakim ah iyo mid la xukumo, mid walba xaq gooni ah ayuu leeyahay. Cadaaladu waa mid walba booskiisa in la dejiyo. Dharka xariirta raga xaaraan ayey ka yihiin, laakiin dumar waa u xalaal, gaaladu markii ay tidhi dumarku raga ayey la simman yihiin , waxba uma tarin, dhibaato mooyee.
  • Toobad-keenka-sifooyinka Ilaahay SW adoomadiisa ku jeclaado waxa ka mid ah toobad keenka.
  • Tallo-saarashada-si kastoo qofku awood iyo xeelad u sheegto, hadaanu Ilaahay SW talo-saaran, melena ma gaadho.
  • Akhlaaq-wanaaga- Rasuulku CSW waxuu yidhi, “Adoomada Ilaahay SW waxuu ugu jecel yahay, kuwa ugu akhlaaq wanaagsan.
  • Raacitaanka Nebiga CSW ayuu Ilaahay SW adoomada ku jeclaada, siduu kitaabka inoogu sheegay “Nebi Maxamedow CSW waxaad ku tidhaahdaa ‘hadaad Ilaahay SW jeceshihiin, anniga (Nebiga CSW) I raaca, Ilaahay SW ayaa idin jeclaan doona, oo idiin dembi-dhaafi doona. Raacitaanka Nebiga CSW iyo intuu diin ka dhigtay in laga dhigto, ee ummada uu u sheegay, ama uu sameeyey ee tusaale uu ugu noqday inaad samaysid, taasoo Ilaahay SW kugu jeclaanayo. Sida Ilaahay SW uu shirkiga u neceb yahay ayuu bidcada u neceb yahay, sida xadiis Nebiga CSW macnahiisu ahaa “Qofkii sameeya camal aanan amrin waa lagu celinayaa.” Ilaahay SW dariiqa xaq ha inna waafajiyo, hanna innaga yeelo adoomada uu jeclaado dhamaanteen, aamin.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com