Shirguddoonka Golaha Wakiillada Oo Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda u Gudbiyey Sharci-yaqaannada Golaha

Hargeysa (Hayaannews)- Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xeerka furista Ururrada Siyaasadda oo madaxweynuhu dib ugu soo celiyey u gudbiyey Sharci-yaqaannada Golaha Wakiillada.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inay Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda ee Xeer Lr.14 ee Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey loo gudbiyey garyaqaannada Golaha si ay talo sharci uga soo bixiyaan, dibna ugu soo celiyaan Goleweynaha.

Xeer L.14 oo ay ansixiyeen Golihii hore ee Wakiillada iyo Golaha Guurtida oo u gudbiyey madaxweynaha Somaliland dabayaqaada bishii April ee sannadkan, ayaa la filayey inuu madaxweynuhu ansixiyo si uu meelmar u noqdo xeerkan oo ururrada siyaasadda loo furo ka hor doorashada madaxtooyada, haseyeeshee madaxweynaha ayaa dib ugu soo celiyey Golaha cusub ee Wakiillada.

Kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiillada oo maalintii shalay furmad, ayaa maanta xildhibaannada loogu qaybiyey ajandaha fal-fadhiga Golaha oo socon doona muddo saddex bilood ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com