Shirkad Laga Leeyahay China iyo Wakiilka Somaliland ee Dalkaas Oo Booqday Degaanka Toqoshi

“Shirkaddani Waxay deegaanka Toqoshi u yimaadeen in ay eeggaan Milixda ku jirta oo ay ku sameeyaan daraasad ” Danjire Cawil Ibraahim Cali

Saylac (#Hayaannews)- Danjiraha Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha Ambasador Cawil Ibraahim Cali iyo wefti uu hogaaminayo oo ka socda Shirkad laga leeyahay dalkaasi ayaa booqasho ku tegay Deegaanka hodanka ku ah Milixda ee Toqoshi oo ka tirsan gobolka Selal, halkaasoo ay Shirkaddan oo magaceeda la yidhaahdo Shandong Haiwang Chemical company ka bilowday daraasad ay ku tijaabinayso nooca, tayada iyo xaddiga Milixda ku jirta, iyada oo qorshuhu yahay in ay maal-geliso Mashruuc lagu soo-saarayo cusbada halkaasi ku jirta.

Safiirka iyo weftiga ka socda Shirkadda oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka heer gobol iyo mid Degmo ee gobolka Selal , ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey deegaanka Toqoshi, waxaanay xog-waran la yeesheen dadka muruq-maalka ah ee halkaasi ka soo saara Milixda oo uga waramay tacabka iyo tamarta ay geliyaan wax-soo-saarka, iyagoo sheegay inay baahi weyn u qabaan cid ka caawisa, soo dhaweynayaan cid kasta oo doonaysa in ay maal-geliso khayraadka daruuriga ah ee ku duuggan.

“Meeshan Toqoshi waxa degen oo ku nool dad ka badan shan boqol oo Qoys oo aan xoollo kale lahayn ee Milixda ka shaqaysta, waxaanu soo dhaweynaynaa shirkad iyo dawladba cid kasta oo wax nala qabanaysa” ayuu yidhi Guddoomiyaha Iskaashatada Milixda ka soo saara deegaanka Toqoshi oo weftiga kula hadlayey ceel gacanta lagu qoday oo ku yaalla beri-la-moodka xeelliga Badda.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Selal Cabdirashiid Cabdillaahi Hande oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa mahad-naq iyo soo-dhaweyn uu weftiga ku qaabilay kaddib, shaaca ka qaaday in deegaankan uu ku jiro khayraad dihin oo u baahan maal-gelin iyo qorshe balaadhan, waxaanu intaasi ku daray in ay maamul ahaan dareen gaar ah ku qaabilayaan daneeye kasta oo diyaar u ah maal-gashi.

“Dadku ceelasha Milixda ee ay gacantooda ku qodaan dhib mooyee dheef kale kuma qabaan, waayo tacab badan ayey geliyaan, dhibaato caafimaadbaa ka soo gaadha”ayuu haddalkiisa raaciyey guddoomiye Cabdirashiid Cabdillaahi Hande oo weftiga u iftiimiyey baahiyaha iyo fursadaha isbarbar yaalla.

Ambasador Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha ayaa isaguna dhankiisa faahfaahin ka bixiyey ujeedada weftiga daneyaayasha ah ee uu hogaaminayo, muddadii wada-hadalku u socday shirkaddan iyo waxa laga filayo natiijada daraasada qiimeynta ah bilaabantay.

“Shirkaddani waa shirkad laga leeyahay dalka shiinaha oo ka shaqaysa ganacsiga Khayraadka Milixda. waxa ay hore u maal-gelisay lix mashruuc oo waaweyn oo ay ka fulisay wadamo kala duwan oo uu kamid yahay dalkan aynu walaalaha nahay ee Djibouti.Maanta waxay halkan deegaanka Toqoshi u yimaadeen in ay eeggaan Milixda halkan ku jirta oo ay ku sameeyaan daraasad muuqaal ah (visibility study). Shirkaddan muddo sanad iyo badh ka soo wareegtay ayaan ku booqday Xafiiskooda dalka Shiinaha, intaaba wada hadallo ayaa noo socday, iminka ayuu alle qadaray in ay dalka yimaadaan, waxaan rajjeynayaa in daraasadooda ay ka soo baxdo natiijo wanaagsani oo aynu noqono dalkii 7aad ee ay maal-geliso”

MU ZUOLIE oo kamida madaxda Shirkadda Shandong Haiwang Chemical company oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ay si weyn u danaynayaan mashruucan, bilaabeene baadhitaankii u horeeyey oo ay natiijadiisa ku qanacsan yihiin.

MU ZUOLIE ayaa uga mahad-celiyey sida niyad-wanaagga ah ee loo soo dhaweeyey Dawladda Somaliland, safiirka iyo waliba maamulka iyo bulshada gobolka Selal, waxaanu rejjo-weyn ka muujiyey guusha hindisaha maal-gashi ee ay deegaankaasi u tageen.

Xarunta Shirkaddan ee Dalka Djibouti, ayaa kamid ahayd meelihii madaxweynaha JSL booqday Socdaalkiisii u dambeeyey ee uu ku tegay dalkaasi, taasoo tusaale u ah ahmiyadda maal-gelinta dhinaca Milixda ee ay Waddanka Djibouti ka samaysay.

 

Milixda, ayaa kamid ah khayraadka daruuriga ah ee ay Somaliland hodanka ku tahay ee aan haddana xoogga badan iyo maal-gelinta lagu samaynin, haddii si waafiya loo maal-geliyana ah manfac dihin oo haysta suuq balaadhan oo maxali ah.

 

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com