Shirkadda Samsung Oo Maamul Cusub u Xil-saartay 14 WADDAN Oo Somaliland Ku jirto

Seol (Hayaannews)- Shirkadda samaysa Agabka electronic-ga ee Samsung, ayaa magacowday Agaasimaha Maamulka ee shirkadda u qaabilsan Bariga Afrika, kaas oo masuul ka noqon doona suuq-geynta 14 waddan oo ku yaalla Qaaradda Afrika kuwaas oo Somaliland ku jirto.

Tae Sun Lee oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Koonfurta Kuuriya oo laga leeyahay shirkadda Samsung, ayaa beddeli doona agaasimihii hore Seo Min Hong oo xilkan hayey ilaa sannadkii 2017-kii.

Agaasimaha Cusub, Mr Sun Lee oo shirkadda Samsung ku soo biiray sannadkii 2003-kii, ayaa hore u ahaa agaasimaha Sumsung Electronics ee dalka Koonfur Afrika, isagoo la sheega inuu qayb laxaad leh ka qaatay suuq-geynta qalabka shirkaddu soo saarto ee dalalka Bariga Dhexe.

War-saxaafadeed shirkaddu soo saartay ayaa lagu sheegay inuu Mr Lee kor u qaaday isticmaalka telefoonada gacanta shirkadda Samsung ee suuqyada dalka Koonfur Afrika oo shirkaddu la kaalinta hore kaga jirto.

Warku waxa uu intaas ku daray in Mr Sun Lee uu masuul ka noqon doono Suuqa Bariga Afrika ee shirkadda Samsung (Samsung Electronics East Africa) kuwaas oo ka kooban 14 waddan oo kala ah Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Sudan, South Sudan, Somalia, Somaliland, Djibouti, Ethiopia, Seychelles, Democratic Republic of Congo iyo Republic of Congo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ku biiro Samsung Electronics East Africa, waxaan aaminsanahay in suuqani uu muhiimad weyn u leeyahay wax soo saarka Samsung. Waxaan rajeynayaa inaan u shaqeeyo macaamiisheenna iyo hawl-wadeennada Samsung ee Bariga Afrika,” sidaa waxa yidhi Sun Lee oo magacaabista kaddib qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Shirkadda Samsung oo xarunteeda ugu weyni ku taallo magaalada Seol ee caasimadda dalka Koonfurta Kuuriya, ayaa soo saarta agabka electronics-ka, waxaanay si gaar ugu soo baxday farsamaynta telefoonada gacanta ee casriga ah (Smart Phone), iyadoo kaalinta labaad kaga jirto telefoonada gacanta ee la isticmaalo, waxaana la qiyaasaa inay shirkaddu gacanta ku hayso boqolkiiba 26 suuqyada telefoonada gacanta ee adduunka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com