Shirkadda SBI COCA COLA Oo Shaacisay Inay Macaamiisheeda Ku Abaal-marinayso Hadyado Qaaliya, Bogaadisayna Sannadka Cusub 2022-ka

“Waxa lagu guuleysan doonaa 11 Baabuur Iyo Talaagado tirro baddan oo kala duwan…” Maamulaha guud ee Shirkadda  SBI COCA COLA Maxamed Cabdi Qawdhan

Hargeysa(Hayaannews): Shirkadda ugu wax soo saarka baddan Somaliland ee SBI “Somaliland Beverage Industry) ayaa shaacisay inay sanadka cusub ee 2022-ka ay bixin doonto Abaal-marino tirro baddan oo ka farxin doona Macaamiisheeda, isla markaana waxay bogaadisay macaamiisheeda curasahda sannadka cusub ee miilaadiga 2022.

Maamulaha guud ee Shirkadda  SBI COCA COLA Maxamed Cabdi Qawdhan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta la hadlayay qaar ka mida Warbaahinta

“Dhammaan macaamiishayada sharafta leh meelkasta oo ay joogaan waxaan u diraynaa hambalyo curashada sannadka cusub ee miilaadiga ee 2022, waxaan uga mahad-celinayaa sidii sharafta iyo qiimaha lahayd ee sanadkii dhammaaday 2021-ka ay noola soo shaqeeyeen”.Ayuu yidhi Maamulaha Shirkadda SBI Maxamed Cabdi Qawdhan.

Maamule Maxamed Cabdi Qawdhan waxa uu ugu bushaareeyey macaamiisha shirkadda SBI inay ku abaal-marin doonaan abaal-marino kala duwan,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaan ugu bushaaraynayaa maamiishayada ee Shirkadda SBI COCA COLA meelkasta oo ay joogaan, inay shirkaddu bilaabi doonto abaal-marintii macaamiisha, waxaanu socon doona barnaamijka abaal-marinta macaamiishu muddo saddex bilood ah (3bilood), waxaanu ka bilaabmayaa 1 January 2022, waxaanu dhamaan doonaa 31 March 2022-ka.”

Mar uu ka hadlayay Maamule Maxamed Cabdi Qawdhan nooca hay’adaha ay bixin doonaan waxa uu yidhi“Waxa lagu guuleysan doonaa hadyado qaaliya, waxa ka mida 11 baabuur nooca loo yaqaano Wan 10-ka iyo 325 talaagadood oo kala duwan,Barnaamijka Abaal-marinta sannadka cusub waxa ka qeyb-qaadan doonaa dhammaan macaamiisha kala duwan, waxaanu noqon doona barmaajinku saddex derejo, iyada oo lagu kala xulan doono meherad-ba meherada ay ka iib baddan tahay.”

“Sidaa daradeed, waxaan la socodsiinayaa macaamiishayada sharafta leh inay ka faa’iideystaan, isla markaana ay ka qeybqaataan Abaal-marinta macmiilka”.Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Qawdhan.

Maaha markii ugu horeysay ee ay shirkadda SBI COCA COLA ay bixinayso hadyado ay kaga farxinayso maamiisheeda, balse marar hore ay abaal-marisay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com