Shirkado Ku Guuleystay Mashaariic Dalka laga Fulinayo Oo La Shaaciyay

Hargeysa (Hayaannews)- Guddida qandaraasyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqay shirkadaha ku guulaystay mashaariico ay dawladdu ka fulinayso qaar ka mid ah gobollada dalka.

Waxaana goobjoog ka ahaa goobtii lagu shaacinayay shirkadaha ku guulaystay tartanka, mas’uuliyiinta guddida qandaraasyada qaranka, saraakiil ka socotay ciidamada booliska iyo asluubta iyo shirkadihii ka soo qayb galay tartankaasi.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo ku dhawaaqay shirkadaha ku guuleystay mashaariicda ay dawladdu ka fulinayso qaar ka mid ah gobollada dalka, isaga oo kula dardaarmay shirkadaha mashaariicdaasi ku guuleystay in qaranka ay u dhisaan dhismayaal tayo leh oo mustaqbalka loo aayo.

Dhinaca kale, saraakiil u hadashay ciidamada booliska iyo asluubta ayaa ku amaanay guddida qandaraasyada qaranka hawsha ay u hayaan qaranka iyaga oo sheegay in ay shirkadaha ku guuleystay saldhigyada ay ka rajaynayaan in ay dhisaan saldhigyo tayo leh oo qaranka u adeega.

Ugu dambayntii, waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii shirkadihii ku guuleystay mashaariicdaasi oo uga mahad celiyay guddida qandaarasyada qaranka sida caddaaladda leh ee ay u kala saareen shirkadiihi u tartamay mashaariicdaasi.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com