Hargeysa(Hayaannews)-Shirweynaha
Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maalintiisii labaad galay, waxana ay
ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno
ee soo socota.
Shirweynaha oo ay ku sugnaayeen
806 (siddeed boqol iyo lix) ergey oo kamid ah xubnaha ergooyinka xisbiga, ayey
shirguddoonka shirweynuhu gudo galeen Ajandaha shirka, waxana ay ugu horrayn
ergadu cod ku meel-mariyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey
qodobbo kamid ah xeer hoosaadka xisbiga KULMIYE.
Xubnaha ergadu waxa ay cod ku
meelmariyeen in wax laga beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee
xisbiga, islamarkaana uu xoghayaha guud soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu,
xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisana
ay ansixinayaan golaha dhexe ee xisbiga,
iyada oo sidoo kale ergadu cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada
golaha dhexe ee xisbiga oo lasoo jeediyey in la yareeyo.
Intaa kaddib, waxa la gudo galay doorashada Shanta
xubnood ee hoggaamin doonta xisbiga muddada shanta sanno ah ee soo
socota, iyada oo la yeedhiyey magacyada xubnaha buuxiyey shuruudihii ay guddida
qaban-qaabadu hore u shaacisay, waxana ay ergadu cod aqlabiyad ah ku dooratay
in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ahaado
guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, halka
guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigana loo doortay, mudane Maxamed Kaahin
Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigana
waxa loo doortay, Mudane Axmed Cabdi Dheere.
iyada oo guddoomiye-ku-xigeenka saddexaadna ergadu u dooratay, Mudane
Xuseen Aadan –cadde, halka guddoomiye-ku-xigeenka Afraadna loo doortay, Mudane
Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagu ku
cusub hoggaanka xisbiga, ahna wasiirka Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta mar kale loo cumaamaday
guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo ku hadlay afka xubnaha hoggaanka ah ee la
doortay, ayaa si ballaadhan ergooyinka madasha ku sugnaa ugaga mahadnaqay
kal-furnaanta iyo kalsoonida ay ku
doorteen, waxana uu tilmaamay in isaga iyo xubnaha kale ee la doortay ay u
baahan yihiin taageerada, talada iyo ducada taageerayaasha xisbiga,
islamarkaana ay soo dhaweynayaan fikir kasta oo meel mar ah oo dhinacooda ka
yimaadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xil culus baad noo
dhiibteene waxa aad noosoo raacisaan duco iyo inaad talada iyo taageerada nala
ag joogtaan, haddaanu qaldannona la qabataan oo aannu annaguna idiin qabsoonno,
xisbiga hawshiisana sidaas baynnu ku wadaynaa.”
Madaxweynaha, ahna guddoomiyaha
xisbiga KULMIYE, waxa uu tilmaamay in
xisbiyadu yihiin madal fikirka lagu shiilo oo talooyin kala duwan la isku
dhaafsado, islamarkaana loo baahan yahay in loo hoggaansamo dhinaca aqlabiyaddu
raacdo oo aan la is colaadsan, la isuna tanaasulo, “Xisbiyadu waa meel arrin
lagu gorfaynayo, la iskaga hor imanayo ra’yi kala duwan la midaynayee waxa
aannu jecel nahay in cid kasta oo ra’yiga ay wadato laga bataa inay u
dulqaadato oo u hoggaansanaato KULMIYE doorkiisu halka uu maray, haddii ay ka
xanaaqdo codkaa la iga batay oo uu ka dudo KULMIYE dhab ah ma ah, annaga haddii
uu wax naga tirsadona wuxu leeyahay golihii dhexe, mustambeedkiisii,
taageerayaashii, intuba ciddii wax qoonsata inaynu is waaninno oo aynu is
wadanno mid cadho ku maqan iyo mid cadhoon doonaba inay xeer inoo noqoto
xisbiga in la isku wado oo uu sidaas ku hoggaamiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna
guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maanta shaaciyey in sida xeerka xisbiga KULMIYE sheegayo ay ergooyinka xisbigu u doorteen labadii goor ee sharcigu siinayey hoggaaminta xisbiga, marka ay muddadaasi dhammaatana uu noqon doono oday xisbi oo aan taladiisa iyo wax sheeggiisa xisbiga kala maqnaan doonin, isaga oo guul iyo gobonnimana u rajeeyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee caanka ku ah isku duubnida iyo wada-jirka.