Shirweynihii 6aad Ee Dallada SONSAF Oo Lagu Doortay Hogaan Cusub Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyay DAAWO SAWIRADAN.

“Waxa aan balan-qaadayaa in aan si hagar la’aan ah u hogaamin doono Dalladda muddo xileedkayga labaad….” Gudoomiyaha Dallada SONSAF Anwar Cabdiraxmaan.

Hargeysa (Hayaannews)- Shirweynihii Lixaad ee Dalladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ee #SONSAF (#Somaliland_Non-State_Actors_Forum), ayaa lagu doortay hoggaan cusub oo hawlaha Dalladda maamuli doona saddexda sanno ee soo socda.

Hal-ku-dhegga sannadkan ee shirkan ayaa ah “#Mideynta_Codadka_Bulshada_Rayidka ah”

Shirweynaha oo maanta ku qabsoomay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, madaxda axsaabta Siyaasadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Komishanka Doorashadooyinka, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, saraakiil ka socotay hay’adaha Caalamiga ah, ergooyin ka socday jilayaasha aan Dawliga ahayn ee ku midoobay dallada iyo marti-sharaf kale.

Shirweynaha lixaad ee Dalladda SONSAF oo la soo gebo-gabeeyey gelinkii dambe ee isla maanta, waxa ay ergooyinku halkaas ku doorteen hoggaanka sare Dalladda SONSAF oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye iyo Guddiga Fulinta oo marka laysku daro ka kooban 17 xubnood.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF waxa markale loo doortay Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo saddexdii sanno ee u dambeeyey soo hayey hoggaanka dalka, halka guddoomiye ku-xigeenka dalladda loo doortay Aamiina Faarax Caarshe oo xilkaas hore loo qabatay. Xoghayaha Guud ee Guddiga waxa loo doortay Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, halka Qasnajiga Guddiga loo doortay Mustafe Cabdilaahi.

Guddoomiyaha SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo hadal ka jeediyey shirweynaha, ayaa ka warramay heerarkii dalladu soo martay iyo wax-qabadyadii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, qaybaha bulshada ee dalladu ka kooban tahay iyo doorkii ay ka ciyaareen horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee qabsoomay bishii May ee sannadkan.

“Waxa aan u mahadcelinayaa dhamaan ergaydii kala duwanayd ee ka socotay ururada Bulshada rayidka ah iyo hay’adaha kale ee aan dawliga ahayn ee Somaliland ee maanta doortay golaha sare ee Dalladda Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Sida ku cad Dastuurka SONSAF, shirwaynaha guud ee Dalladdu waa in uu qabsoomo labadii sannaba hal mar, si loo doorto golaha sare ee Dalladda, islamarkaana lagu qiimeeyo xaaladda dalladda, laguna jaangooyo qorshaha dalladda ee labadda sanno ee socota.

Waxa sharaf ii ah in Xubnaha Golaha sare ee la doortay ay markale ii doorteen in aan hogaamiyo Golaha sare ee Dalladda labadda sanno ee socota haddii Alle idmo.

Waxa aan balan-qaadayaa in aan si hagar la’aan ah u hogaamin doono Dalladda muddo xileedkayga labaad aniga oo kala shaqayn doona xubnaha golaha sare iyo xubnaha fulinta sidii loo sii wada lahaa guulaha taariikhiga ah ee ay Dalladdu gaadhay.

Waxa aan u mahad naqayaa dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay shirwaynaha dalladda ee ka kala socday dhamaan daneeyayaasha dalladda, sida Xukuumadda, Xisbiyada siyaasadda, qaadhaan bixiyayaasha iyo jilayaasha aan dawliga ahayn.

Waxa aan sidoo kale u mahadcelinayaa guddida fulinta ee Dalladda ee ay hogaaminayso Agaasime Ayaan Hassan oo dalladda ku hogaamisay guulo taariikho ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo shirka ka hadlay, ayaa sheegay in meelaha ay Somaliland horumarka ka gaadhay ugu horreeyaan Ururrada Bulshada Rayidka ah oo uu sheegay in dunidu ku majeeratay.

‘’Doorashadii SONSAF ay wakhtigeedii ku qabsanayso waxay ka marag kacaysaa halka ay bulshadeenu ka gaadhay dimuqraadiyadda’’Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo isaguna hadal ka jeediyey shirka, ayaa SONSAF uga mahadnaqay kaalinta ay ka geysteen doorashooyinkii u dambeeyey ee dalka ka qabsoomay oo qaybo ka mid ah dhaqaalihii beesha caalamku ku caawisay Somaliland la soo mariyey dalladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu xusay faa’idada ay leedahay iyo baahida loo qabo in dalka ay ka hirgalaan ururrada Bulshada Rayidka ah, balse waxa uu xusay in caqabadda ugu weyn ee taas hor-taagani tahay dhaqaale-la’aan jirta awgeed. Haseyeeshee, waxa uu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland ka mid tahay waddamada ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah

“Marka Afrika la sheegayo ama qaarado badan oo Dunida ah la sheegayo sida qaarada Eeshiya iyo Laatin Ameerika, waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah.”

‘’Sababata ay inta badan ururradeenu u burburaan waxaa ka kow ka ah dhaqaale darro, waayo waxaa kaliya ee ay ku xidhan yihiin waa dhaqaalaha dibedda’’ Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Xasan Gaafaadhi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan rajeynayaa in doorasho wanaagsan oo daahfuran u qabsoonto dallada SONSAF isla markaana aad doorataan hoggaankiina”

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Masuuliyiin ka tirsan Saddexda Xisbi Qaran iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood ku ammaanay SONSAF iyo hoggaankeeda doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

‘’Waxaa dhacaya liisankii axsaabta siyaasadda Somaliland, markaa niman liisankoodu dhacay doorasho kama qaybgeli karaan, waxaanan rajeynayaa marka doorashada xisbiyadu dhacdo in ay ku xigto ta madaxtooyada iyo guurtidu’’ Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni

Aqoonyahanad Sucaad Ibraahim Cabdi oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi‘’Dawladdu dadkeeda way tuurtaa, xisbiyaduna way tuuraan, laakiin Civil Societygu kuma illaabayaan’’

Waxa kale oo Shirka hadallo ka jeediyey Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta. Dalladda SONSAF oo metesha dhammaan qaybaha kala duwan sida madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka, Xirfadlayaasha sida Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Ururrada bulshada Rayidka ah, waxa la aasaasay sannadkii 2008-dii, waxaana xilka guddoomiyaha hore u soo qabtay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali oo soo noqday guddoomiyihii u horreeyey ee Dalladda SONSAF iyo Mustafe Sacad Dhimbiil oo xilka banneeyey sannadkii 2018-kii kaddib markii uu laba jeer oo hore soo qabtay guddoomiyaha dalladda SONSAF.

Guddoomiyaha maanta markii labaad la doortay,Anwar Cabdiraxmaan Warsame, ayaa hore xilka u soo hayey saddexdii sanno ee u dambeeyey kaddib markii shirweynihii 5aad ee Dalladda oo qabsoomay 12-kii July, 2018-kii loogu doortay Guddoomiyaha SONSAF.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com