Sideed Qof Oo Lagu Dilay Magaalada Atlanta Ee Gobolka Georgia

Georgia(#Hayaannews): Sideed qof oo u badnaa haween asal ahaan ka soo jeeday Asia ayaa lagu dilay tooshasho ka dhacday sadex goobood oo oo ku yaaal gobolka Georgia ee dalka Mareykanka sida ay xaqiijiyeen hey’adaha amniga ee gobolkaas.

Toogashadan ayaa imaaneysaa maalmo yar kahor markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu cambaareeyay kororka dambiyada naceybka ah ee ka dhan ah dadka Americanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda Asia.

Kooxaha u dood xuquuqda madaniga ah ayaa sheegay in kororka naceykan uu qeyb weyn ka qaatay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump , maadaama uu si joogta ah cudurka Coronavirus ugu yeeri jiray China Virus.

Booliska ayaa sheegay in qabtay Robert Aaron Long oo 21-jir ah oo ku eedeysan dilka dadkan, waxayna sheegeen in kasta oo aysan heyn xog ku saabsan ujeedada dilkan, hadana ay baari doonaan.

“Qaab kasta oo aan ku heli karno caddeymaha iyo ujeedada dhacdadan ayaan sameyneynaa, baarayaashuna waa tagayaan meel kasta” ayuu yiri Jay Baker oo ah kabtan ka tirsan waaxda Sheffirka ee ciidanka Booliska.

Afhayeen u hadley hey’adda dambi baarista ee FBI ayaa sheegay inay caawin doonaan booliska Atlanta, waxaana boolisku ay sheegeen inay xoojin doonaan goobaha laga yaabo inay ka dhacaan weerarada nuucan ah.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com