Simon Biles Oo Ka Hadhay Tartanka Kooxaha Ee Olombikada

USA(Hayaannews): Xiddigta Mareykanka ee Simone Biles ayaan difaacan doonin biladdeeda dahabi ah ee ciyaaraha Olombikada,kadib markii ay ku dhowaaqday inay ka baxday tartanka kooxaha ee dhacaya Khamiistsa, si ay diiradda u saarto caafimaadka maskaxdeeda.

Xidhiidhka ciyaaraha Jimicsiga ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in Biles oo 24 jir ah ay dooratay inaanay tartanka ka qeyb-galin. Go’aanka ayaa yimid maalin kadib markii Biles ay ka hartay kooxda Mareykanka kadib hal wareeg oo cayaaro ah, sababtana ay ku sheegtay inaysan maskax ahaan diyaar aheyn.

Jade Carey, oo kaalinta sagaalaad ka gashay cayaarihii is-reebreebka ayaa buuxin doonta booska Simon Biles. Carey ayaan markii hore usoo bixin tartanka, ayada oo aheyd gabadha saddexaad ee ugu wanaagsan cayaartoyda Mareykanka, kuna xigtay Biles iyo Sunisa Lee. Xiriirka Caalamiga ah ee Jimicsiga ayaa dal kasta ku xaddida inay laba cayaartoy uga qeyb-gasho cayaaraha Olombikada.

Ururka ayaa sheegay in Simone Biles si maalinle la ah loo qiimeyn doono xaaladdeeda kahor inta aan go’aan laga gaarin haddii ay ka qeyb-gali karto tartanka shaqsiga ah ee toddobaadka soo socda