Siyaasi Cabdi Haybe Oo ku Baaqay in Gurmad La la Gaadho shacabka gobalka HAWD

Hargeysa (Hayaannews)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay xaalad biyo yaraan ah oo ka jirta deegaanada gobalka Hawd.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Maanta (Shalay), waxaan ka imid Baligubadle, Gumar, biyo yaraan baa jirta,biyihii Barkaduhuna wey dhammaadeen, Baligubadle, iyo Tulooyinka ka sareeyaba biyo yaraan baa ka jirta sida ina Cunaye, markaas Gobolkii Hawd biyo yaraan baahsan baa ka jirta, Gobolka Hawdna waa laga reebay, wixii horumar ahaa, iyo wax ka qabashadii baahiyaha aasaasiga ahaaba, xaggii Biyaha, Caafimaadkii, Waxbarashadii, Waddooyinkii, Degmooyin toban ceel oo hore looga qaday, ayaa haddana Ceelal kale loo dhagax dhigaya, haddana Gobolka Hawd iyo Deegaanada uu ka kooban yahayba, Ceel lagama qodin, waxaana u kaw ah Ceelkaas imika laga qoday Gumar, oo xoolihii  oo dhami sidaas u dultuman yihiin, Ceelkii Banka laga qodaayey isna uu cadiban yahay, bishii sideeda sidii loo bilaabay halkii buu fadhiyaa, oo wax laga qabtay ma jirto, Madaxweyne Biixi waxaa looga fadhiyaa Gobolka Hawd wuxuu xaq u leeyahay inuu siiyo, in Gobolada qaarna loo qodo tobanaan ceel, Gobolka Hawdna aan xitta MCH qudha aan laga sameeynin, wadona aan laga sameeynin, cadaalad maaha,ee Xukuumaddii Sillaanyo iyo Xukuumadda Muuse Biixi, laduba wey iska indho tireen Gobolka Hawd, waxaan leeyahay Gobolka Hawd taariikhda uu ku leeyahay jiritaanka Somaliland iyo halgankii dalka lagu xoriyey wax qarsoon maaha, ee Madaxweyne Gobolka Hawd dal kale kuma yaalo, ee waxay xaqa u leeyahay ee ah mashaariicaha horumarinta ah waa inuu helaa”.

Mar uu ka hadlaayey dhismaha Madaxtooyada cusub ayaa yidhi “Madaxweyne iyadoo sicir barar jiro, oo biyo yaraan iyo cunta yaraani jiraan, ma haboona inaad Madaxtooyada wakhtiga ka dhisto Xaafadaada, wax walba wakhti ku munaasiba ayey leeyihiin, laakiin wakhtigani may ahayn wakhtigii Madaxtooyo malaayiin lacag ahi ku baxayaan in la dhiso, iyada oo dadkeenii la dhibaataysan yihiin biyo yaraan iyo cuna yaraan, sicir barar iyo dhaqaale daro, ee Madaxweyne wuxuu khayrka iyo cadaaladu ku jiraan in malaayiinkaas lacagta ah ee Madaxtooyada cusub ku baxaya inaad ku caawiso  dadkaaga dhibaataysan”

Mar uu ka hadlaayey Saxaafadda iyo Xukuumadda ayaa wuxuu  yidhi “Wey jirtaa in Saxaafadda la cabudhiyo, laakiin Saxaafadda waxaa looga baahan in aanay wax walba baahinin, haddii Saxaafaddu xad gudub sameeyso, oo ay meel kaga dhacdo sharafta qofka, wax wanaagsan maaha, sharci baa jira, ee Xukuumadda iyo Saxaafaddaba waxaa looga bahan yahay inay ilaaliyaan Sharciga oo aanu midna xad gudub sameeynin”

Source: Geeska Afrika

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland