Siyaasi Cali-GUREY Oo Ka Dar-daar Weriyay Isku Shaandhayn Uu Madaxweyne Biixi Sameynayo

 Hargeysa(Hayaannews): Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-GUREY), ayaa ka dar-daar weriyay isku-shaandhayn la filayo inuu wakhtigan Xukuumaddiisa ku sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kadib markii Mucaaridku ay kaga adkaadeen Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiillada iyo Deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay 31 May 2021.

Siyaasi Cali-Gurey waxa uu ku dooday inay dhaliishu dul-hoganayso magacaabisaha uu sameeyo Madaxweyne Biixi.

“Isku Shaandhaynta Uu Wakhtigan Samayn Karo Madaxwayne Muuse Ma Noqon Karto Wax Aan Ahayn KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR.”.Ayuu yidhi Siyaasi Cali oo qoraal koobaan soo saaray maanta.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Ilaa maalintii Ugu horeysay uu xukuumaddan soo dhisay dhaliilaheedu way jireen waanu ogsoonaa hadana siday ahayd buu ku jeclaa raalina kaga ahaa. Maanta lafteeda sidaa ay tahay in uu raali kaga yahay ayay u badan tahay.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com