Siyaasi Maxamed-IID Dhimbiil Oo Ku Biiray Xisbiga Mucaarikd Ah Ee WADDANI.

Hargeysa (Hayaannews)- Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta ugu saamaynta baddan Xisbiga Xaakimka KULMIYE, ayaa maanta si rasmiya u shaaciyey inuu ku biiray Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Maxamed Iid Dhimbiil Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kana qabsoomay Magaaladda Hargeysa, ayuu Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil ka Sheegay Inuu Maalinta laga bilaabo uu ka mid yahay Xisbiga WADDANI, Isla-markaana uu gabi Ahaanba Iska Casilay Xisbiga KULMIYE oo ka mid ahaa aasaasayaashii.

Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xisbi Xaakimka KULMIYE muddooyinkii uu kasoo mid ahaa.

Mr Dhimbiil ayaa ahaa Afhayeenkii ugu horeeyey ee Xisbiga KULMIYE, Isagoo Sidoo kale soo qabtay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee KULMIYE xiligii ololaha Doorashadda 2017-kii ee lagu Doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dhanka kale Siyaasigan, ayaa saameyn badan ku leh Gobolka Maroodi-jeex.


#Mj

Hayaannews.net/Offcice

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com