Siyaasiyiinta Damiiniinta Ahi Ma Ka Faa’ideysan Doonaan Casharada Siyaasadeed ee #Cabdiqaadir_JIRDE? Faallada Shabakadda #Hayaannews.

Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah Siyaasi aragti dheer,Dumlamaasi leh khibrad iyo Waayo aragnimo maamul, kaadir Xisbiyahan iyo Waddani sumcad wanaagsan iyo karaamo ku dhex leh bulshada Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqey inuu ka tanaasuley tartankii uu ugu jirey hanashada xilka  gudoomiyaha mucaaradka Waddani,kadib markii uu go’aansadey inuu ka hadho tartanka si uu jaanis u siiyo Siyaasiyiinta da’da yar ee kula tartamaysey jagadaas,kuwaas oo uu u arko inay xaq u leeyihiin in loo daayo fursadooda dhalinyaronimo..gaar ahaan kuwa leh damaca siyaasadeed ee u ordaya tartanka xilka Gudoomiyaha Waddani.

Go’aankan geesinimada ah ee Mr.Jirde ayaa ka dhigaya inuu yahay siyaasigii u horeyey taariikhda Somaliland ee ku dhiirada inuu iskii uga tanaasulo damaciisii ku waajahnaa hanashada xilka gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,iyada oo ay gobonimadiisa iyo deeqsimadiisu ku hagayeen inuu jagadaas u hibeeyo saaxibadiisa ay isku xisbiga ka wadda tirsan yihin ee ka fa’iideysan doonta fursadaas.#Hayaannews

Marka loo eego habdhaqanka  Siyaasiyiinta kale ee sida maro kudhegta laga furfuri kari layahay xilalka ama maskabada Siyaasadeed ee ay ka hayaan Xisbiyada Qaranka iyo Maamulka Dowladda Somaliland.kuwaas oo laga rajeynayo inay iminka wixii ka danbeeya wax ka bedeli doonaan Dhaqanka siyaasada gaboobey ee ay ku dhegan yihiin.ka dib marka ay rascaan dariiqa toosan ee uu jeexay Siyaasi Cabdiqaadir Jirde.

Faysal Cali Waraabe ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta farta lagu godayo ee hor taagan taabo galka Nidaamka Dimuqraadiga ah ee ka curtey Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo diidan in la hormariyo isbedel Siyaasadeed ee dalka islamarkaana ka dhigtey dabokaayo yar oo uu siduu doono u maamusho Xisbigiisa fadhiidka ah ee UCiD, kaas oo ah qaangaadh  aaney ilaa maanta dhexdiisa ka jirin wax dimuqraadiyad ahi.

Digteytarka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo Xisbiyadda Siyaasadda ahna Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,ayaa lugu tilmaamey inuu yahay ma gudbe ama saaqid Siyaasadeed oo tiraba sadex jeer hore ugu soo guuldareystey inuu hanto Kursiga Madaxweynaha ee u sareya maamulka dowliga ah ee  Somaliland, kadib markii lagaga adkaadey tartamadii kala danbeeyey ee uu kaga qayb galey 3dii Doorasho ee Madaxtooyada Somaliland.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com