Siyaasiyiinta iyo Sifaddii Mukhtaar:!!!! Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa(Hayaannews): “Waar Siyaasiyiintan haddaba waa yaabe Ma Daayeeraddii Caasha Tuuggaa abaal daranaa” Waa Sheeko Xiisa Baddan oo uu Jamaal Cali Xuseen soo bandhigay

Nin asxaabtayaddii hore ahaa oo ku koray Hargeysa Oo asal aan ka soo jeeda gobolka Sool, intii danbena ka mid ahaa madaxda Khaatumo oo la yidhaa Mukhtaar ayaa wuxuu sawir cajiib ah ka bixiyey Siyaasiyiinta Somalida gaar ahaan kuwa Somaliland.

Wuxuu Igu yidhi sidatan “Berigii hore waxaa jiri jiray magaaladda Hargeysa Daayeerad suuqa dhex wareegi jirtay Oo ay dadku ugu yeedhi jireen ” Caasha Tuugo”. Haddaba Daayeeradaasi Waxay ku jab dhigtay tusaale ahaan Oday suuqa iska maraya ayaa arkaya Daayeeradii iyadoo uu ciyaal eryanaayo suuqa bartankiisa ka dib wuu ka naxayaa oo u hiilinayaa oo wuu ka celinaya ciyaalkii ka dibna isla odaygii ciyaalka ka reebay bay isla isagii cumaamaddii kala cararaysaa Oo dhibaateeynaysaa.” Mukhtaar isagoo hadalkii sii wata ayuu haddana tusaale kale soo qabsaday Oo yidhi; ” Haddana isla Daayeeraddii Caasha Tuugo iyadoo ciyaal eryanaayo ayaad arkaysaa Oo Waxay naf la caarid ku soo gelaysaa Bakhaar ama meherad uu nin haysto, ninkii baa ku guntanaya oo ciyaalkii ka celinaya.

Haddana ileyn waa caadadeedee Daayeeraddii ninkii bay xadaysaa Oo alaabtii Bakhaarka kala caraysaa.” Haddaba wuxuu Mukhtaar hadalkii ku soo jarayaa, Waar Siyaasiyiintan haddaba waa yaabe Ma Daayeeraddii Caasha Tuuggaa abaal daranaa?!!!!! Yaab

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland