“Soddon Sannadood Kadib Yoolkeenu Waa Aqoonsi……” Marwo Suhuur Xasan Abiib.

“Sodon Sanadood ka dib maalintii lagu dhawaaqay Madaxbanaanida Somaliland ee 18-ka MAY, Somaliland ha jirto oo ha joogto oo GUUL…..GUUL”

Canada(#Hayaannews): Marwo #Suhuur_Xasan_Abiib oo ka mida ganacsatada reer Somaliland ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diraysa shacbiga Somaliland “Meel kasta oo ay joogaan qurbe iyo qol-qol-joogba, xuska Munaasibada 30-guurada ka soo wareegtay maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May 2021 oo ku beegan maalinta Salaasada.

Suhuur Xasan Abiib ayaa waxay Xuska maalinta qaranimada Somaliland shacabka u rajaysay Sannad guuro wacan “Maanta oo Salaasa ah waxay ku beegan tahay 18-ka May 2021-ka, waa sannad guuradii 30aad ee dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland. waxaan Halkan Hambalyo uga dirayaa umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba meel kastoo ay joogaan, Waxaan Alle Inoo waydiinayaa inaynu Sannado baddan aynu ku gaadhno Bashbash Barwaaqo Amni iyo Iiman.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Ummada reer Somaliland waxay ku guulaysteen in aanay arrimahooda iyo masiirkooda siyaasadeed aanay soo faro-gelin dawlado shisheeye, waxaanay abuurteen dal ay ka taliyaan hogaamiyayaal ku yimi cod shacab.

Sodon Sanadood ka dib maalintii lagu dhawaaqay Madaxbanaanida Somaliland ee 18-ka MAY  waxa hubaal ah in ay Ummada reer Somaliland cagta saareen dhabbihii horumarka  iyo Barwaaqada oo horseed u noqon doona gaadhista Yoolka ay  reer Somaliland higsanayaan oo ah Somaliland oo ay Dunidu Aqoonsato, Barwaaqowda oo Horumarta.

Waxaan Idiin Rajaynaa Sanad Guuro Wacan oo Wanaagsan Happy 18 May 2021”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net loo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com