SOMAILAND: Mayorka Cusub Ee Caasimada Hargeysa Oo Xilkii La Wareegay

Muxuu ka yidhi, Ganacsatada, ballanqaadkiisii Ollolaha Shaqaallaha Dawlladda Hoose Iyo Dakhliga?

Hargeysa(Hayaannews )-Maayarka cusub ee Hargeysa, Cabdikariim Axmed Moogge, ayaa ka dhawaajiyay qawaaniin cusub iyo qorshayaal uu doonayo inuu kusoo saaro  bilicda caasimadda Somaliland ee Hargeysa, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay hawlaha uu doonayo inuu qabto, isagoo durba digniino u diray dadweynaha.

Maayarka, ayaa sidaa ka sheegay munaasibad uu maanta xilka kagala  wareegayay Maayarkii hore ee Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid )Cabdiraxmaan Soltelco) munaasibadaa oo Wasiirka Arriimaha guddaha Maxamed Kaahhin xilka ugu kala wareejiyay Mayarka cusub iyo maayarkii hore oo ka mid ah xubnaha  gollaha deegaanka cusub, waxaana sidoo kale munaasibadaa oo lagu qabtay duleedka galbeed ee Magaalada hargeysa, ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaanadii hore iyo marti sharaf kale.

Cabdikariim Axmed Moogge, wuxuu amaanay Maayarkii hore Cabdiraxmaan Soltelco, isagoo sheegay in uu gollaha cusub ee uu ka mid yahay ka helayo xurmo iyo karaamo, isla markaana uu noqonayo Odaygooda,  sidoo kale ay ku xurmaynayaan Oday reer Hargeysa ah, “waxaanu dhaliili jiray qabyada, waana in lagu ekaado dhaliisha iyo toosinta ee lagu xad-gudbin sharafta iyo cirdiga qofka. Ololihii wuu dhammaaday shaqadiina way bilaabantay.” Ayuu yidhi.

Hase yeeshee, Maayarka cusub, wuxuu ka dhawaajiyay in markii Ololaha lagu jiray ay wax baddan u sheegeen, isagoo munaasibada ka sheegay in ay dhab ka tahay oo wixii ay u shegeen shacabka qabanaayan, balse wuxuu ka dayriyay shaqaallaha dawladda Hoose iyo cashuurta soo xeroota, “shaqaallaha shaqeeyaa waa laba kun iyo dheeraad, cashuurta soo baxdaana waa 35% sidaa awgeed waxa hubaal ah in lacag baddan ku baxayso mushaharaad ay yaraanayso wixii la qaban lahaa.”

Maayar Cabdikariim Axmed Moogge, wuxuu farriin u diray shacabka Magaaladda Hargeysa, “Haddii aad doonayso in wax baddan la qabto, waxa jira wax baddan oo adiga kugu xidhan oo loo baahanyahay in aad fulisaan. Annagana waxa naga go’an sidii aannu idiin balan qaadnay markii Ololaha lagu jiray, in lacagta cashuurta lagaa qaado ay toos ugu dhacdo khasnadda dawladda Hoose oo ay kasoo baxdo, iyadoo wax lagu qabanayo, waana ballan aannu Allah hortii ku qaadnay oo aannu idinkana hortiina ka qaadnay, waana dhaartii aannu marnay, balse shacbigow waxa lagaa rabaa in aad cashuurta bixiso oo wax ka bedesho hab-dhaqankaaga.”

Wuxuuna isagoo weli sii wata farriimaha uu shacabka u dirayo, isagoo ugtu baaqay in ay ilaaliyaan dhaqanka ah in caagado lagu tuuro waddooyinka ama qashin lagu daadiyo, jidadka, isla markaana laga ilaaliyo xoollaha lagu soo deynayo Magaalada, “Hab-dhaqanka qofka ilaa uu is bedelo Hargeysa is bedelimayso,  hadaad gaadhi wadato waxa fiican in aad is weydiiso sidaad u kaxayn lahayd, waxa jira waddooyinka Hargeysa kuwo toddobaad kasta hal qof ku dhinto.“ ayuu yidhi, Maayarka cusub ee Caasimadda Hargeysa, isagoo sidoo kale, farriimo uxujooyin ah  diray ganacsatada iyo dhalinyarada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com