#SOMALILAND: 13 Suxufi Oo La Horkeenay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Eedaha Loo Haysto

Hargeysa(Hayaannews): Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa maanta waxa la horkeenay 13 Weriye oo ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland.

Wariyeyaasha ayaa muddo saddex cisho ah lagu hayay Saldhigga Dhexe Magaalada Hargeysa, kadib markii la xidhay 13 April 2022, waxaana Weriyayaasha lagu haysta eedo la xidhiidha tebinta rabshado ku dhex-maray ciidanka Asluubta iyo maxaabiista Jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana loo jaray Shan cisho oo rumaan ah oo xabsi ku sii haynaa. Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyey Xadhga suxufiyiintan, isaga oo ugu baaqay Xukuumadd Madaxweyne Bixii inay si degdega xorriyadoodii ugu soo celiso.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com