SOMALILAND: Afartan iyo Siddeed Arday Oo ku Dhaawacmay Machad Diiniya

Hargeysa (Hayaannews)- Siddeed iyo afartan qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka kacay machadka culuumta diinta ee Daarul-dacwa oo ku yaalla magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada 26-ka June. Dhacdadaasi oo ay ciidanka Dab-demiska Somaliland si degdega uga hawlgaleen, iyaga oo samatabixiyay dhammaan dadkii goobtaasi ku sugnaa, isla markaana intii dhaawacantay gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Afartan dumar ah iyo siddeed rag ah ayaa ku dhaawacmay, sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaadhay askari ka tirsan Ciidanka Dab-demiska kaasi oo samatabixinaayay dadka ku jiray dhismaha uu dabku ka kacay.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Duqa Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin ujeediyeen bulshadu inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo haddii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.

Machadkan ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday oo gaadhayayna 250 arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta, waxaana ciidanku badbaadiyay dhammaan ardaydaas oo ku jiray Dhisme ka koobnaa laba dabaq oo kala ahaa 20 qol iyo masaajid, Ardayda dhaawacantay ayaa la sheegay in dhaawacaasi soo gaadhay daadgurayntii ay ka soo daadanayeen dabaqa sare, ka hor intii aanuu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas, sidoo kale ardayda ayaa ku neefqabatoobday qiiqii Dabkaa ka dhashay.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sarreeyo guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa ka warbixiyay khasaaraha halkaasi ka dhashay iyo sida ay wax u dhaceen, waxaanu yidhi “Dabdku waxas uu ka dhacay iskuulka la yidhaahdo Daarul-dacwa oo ku yaala degmada 26-ka June, iskuulka waxaa dhiganayay 250 arday, dhismihu waxa uu ahaa fooq, markii dabmku dhacayay ardaydu xaga sare ayay ku wada maqnaayeen, albaabka laga soo galo salaanka halkiisa hoose ayuu dasbku ka kacay oo gubatadasy, markaa qiiqii ayaa sare u kacay ardaydiina way neef-qabatoobeen waana la is arki waayay.”

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland waxa uu intaasi raaciyay “Ciidanka dab-demisku markiiba wuu u gurmaday oo goobta wuu gaadhay, balse maadaama oo ay ardaydu caruur ahaayeen, iyo macalimiintii oo khalkhalay oo waxba arki waayay ayay noqotay in hal meel laga soo wada baxo. Sidaa darteed 250-kii ardayd iyo dhawr iyo toban macalin waxaa dhaawacmay 48 qof, dhakhtarka ayaanu u daad-guraynay oo aanu geynay.”

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sarreeyo guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, waxa uu farriin u diray bulshada reer Somaliland, waxaanu yidhi “Bulshada waxaan ku waaninayaa haddii dab qabadsado meel fooq ah oo aad ku jirto oo dabku hoosta kaa maro halkaaga joog daaqadahana iska fur, haddii aad karaysana xaga ugu saraysa u carar oo halkaa joog maadaama oo dalku leeyahay dab-damis oo markiiba uu kuu soo gurmanayo.”

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Waxaan u ducaynayaa dadkii ku dhaawacmay dabkaasi oo tiradoodu dhantahay 48 arday, illaahay ha shaafiyo Ayaan leeyahay.

Waxaan dadweynaha uga digayaa cisbitaalka guud oo ay yaalaan ardaydii dhaawacantay, waxaan leeyahay cidhiidhi badan ayaa ka jira, xaalad caafimaadna way jirtaa, markaa dadku yaanay is odhanin soo eega ee waa in ay qiimeeyaan xaalada caafimaad ee dalka ka jirta.”

Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axme ayaa isaguan halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Waxaa dhacay shil dab ah oo madarasadaas ka dhacay oo ay dhiganayeen 250 arday, ayaa dabkaasi ka kacay. Illaahay ayaynu ugu mahad naqaynaa in aanay dhimasho jirin, waxaan u mahad naqayaa ciidamada dab-damiska ee mar kasta oo dab kaco si naftood hur ah uga hawl-gala. Shirkadaha dhismahana waxaan u soo jeedinayaa in ay ka waantoobaan dhismaha noocan ah ee halka albaab leh ee dhawrka dabaq ah ka feejignaada in uu hal jaranjar yeesho, taas oo halis gelinaysa nafta dadka marka dab sidaas oo kale u dhaco.”

Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya Ciidanka booliska ka Somaliland oo baadhaya sababta. Sidoo kale Ciidanka Dab-demiska ayaa Moobilo iyo lacago ardaydu lahaayeen ku wareejiyay maamulka dugsiga, waxaana hawlgalkan ciidanka kala shaqeeyay ciidamada Booliska.