SOMALILAND: Agaasimayaal Lagu Tababaray Hoggaaminta Toolmoon

Hargeysa (#Hayaannews)- Wasiirka H. Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire oo shalay tababar u furay Agaasimeyaasha Waaxaha kala-duwan ee Wasaaradda ayaa kula dardaarmay inay dhaqangeliyaan, isla markaana u gudbiyaan shaqaalaha ay maamulaan aqoonta ay korodhsadeen.

Tababarkan oo laba maalmood soconaya, kana soo qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda, WAsiir-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhamaan Agaasimeyaasha 14ka waaxood ee Wasaaradda ayaa ku saabsanaa hanaanka loo maro qiimaynta shaqada iyo shaqaalaha iyo sidoo kale hogaaminta toolmoon ee laga rabo madaxda waaxyaha.

Agaasimaha Guud Mr Maxamed Cabdi Gurxan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay muhiimada kulanku yahay dejinta qorshaha qiimeeynta iyo abaalmarinta, waxaanu yidhi,

“Kulankani waxuu la xidhiidhaa dhamaystirka hanaanki maamulka shaqaalaha iyo shaqada. Nuxurka kulankani waa sidii loo dejin lahaa qorshe lagu qiimeeyo laguna abaalmariyo shaqada iyo shaqaalaha.”

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo kulanka furay ayaa ka hadlay muhiimadiisa, isla markaana kula dardaarmay agaasimeyaasha waaxyaha inay macluumaadka ay korodhsadaan ku dabaqaan waajibaadka ay u xilsaaran yihiin, waxaanu yidhi,

“Ujeedada tababarku waa in laydin xusuusiyo waxyaalaha tiir-dhexaadka u ah maamul-wadaaga, taasoo la doonayo gebagebada tababarkan inaad dhaqangelisaan.

Wasiir Dr Sacad ayaa kula dardaarmay Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Maaliyadda inay u gudbiyaan shaqaalaha ay maamulaan aqoonta ay halkan ka korodhsadaan, waxaanu yidhi,

“Waxaa la idiinka doonayaa inaad u gudbisaan, kuna tababartaan unugyada idiinka hooseeya oo gaadhsiisaan aqoonta aad barateen”.

Isha Ku Hay Shabakadda Wararka Ee www.Hayaannews.net

Goor kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ee Ha moogaa

#Hayaannews, Office

#Hargeisa, Somaliland