#SOMALILAND: Baanka Dhexe Oo Hawl-wadeeno ku Tabobaray Aqoonta Maamulka Deymaha iyo Tiknoolajiyadda Casriga ah

Hargeysa (Hayaannews)- Maamulka Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa tabobar u soo xidhay qaar ka mid ah hawl-wadeennadooda oo qaatay aqoon-kororsi la xidhiidha Maamulka Deymaha iyo Teknoolajiyadda Casriga ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe iyo saraakiil ka tirsan Baanka Dhexe oo ka qayb-galay munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiiyey hawl-wadeennada dhammeystay aqoonta la xidhiidha maamuka Deymaha iyo Teknoolajiyadda Casriga ah ayaa loogu baaqay inay aqoonta u gudbiyaan hawlwadeenada kale ee baanka.

Maamulaha Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Warsame oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in labada waaxood ee ugu muhiimsan shaqada baanka ka mid tahay deymaha iyo soo celintooda, hadday qaadato xukuumadu, ganacsatada, shaqaalaha dawlada, iwm.

Gudoomiye-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in bixinta deymaha ee baanka dhexe keentay kasbashada bulshada, maadama hore aanay u helin baanan deymo siiya.

Tabobarka oo ay bixiyeen khubaro ka tirsan Baanka Dhexe, waxa ugu horeyn ka hadlay Maamulaha qaybta Baanka Dhexe, Madaxa Shaqaalaha Baanka Dhexe iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland.