SOMALILAND: Bandhigga 14aad Ee Carwada Buugaagta Hargeysa ‘#HIBF’ La Soo Gebo-gabeeyey Iyo Arrimo Xiiso Leh Ee Sannadkan Ku Cusub

Buuggii loogu iibsiga badnaa ee xarunta Dhaqanka ‘#HIBF’ lagu soo Bandhigay  uu noqday Buugga ‘Hawaale Warran’ ee uu qoray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Hargeysa (Hayaannews)- Xarunta Dhaganka ee Hargeysa, waxa Jimcaha xalay lagu soo gebo-gabeeyey Bandhigga 14aad ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ‘#HIBF oo lixdii maalmood ee u dambeeyey ka socday isla xarunta.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannad walba ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa munaasibaddii lagu soo gabogabeeyay ka qayb-galay boqollaal qof oo iskugu jira suugaanyahanno, Qoreyaal, Aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale oo ka socotay hay’adaha ka shaqeeya horumarinta dhaqanka iyo qoraalka.

Carwada Buugaagta Hargeysa ee sannadkan galay gugii 14aad oo xidhiidh ah isla markaana sannadka kasta diirradda lagu saaro mawduuc gaar ah iyo waddan gaar ah oo marti u noqdaa, waxa sannakdan hal-ku-dheggiisu ahaa Deris-wanaagga, waxaana marti ku ahaa waddanka deriska ah ee Ethiopia. Waxaana ka qayb-galay martisharaf ka kala socday in ka badan 20 waddan, iyadoo muddadii uu socday lagu soo bandhigay suugaan, taariikh, Dhaqanka, dood-wadaag ku saabsan deris-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada iyo Buugaag tiro badan.

Munaasibadda Xidhitaanka Bandhigga, waxa uug horeyn lagu soo bandhigay ciyaar-dhaqameed kala duwan iyo heeso ay madasha ka qaadeen Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo ay weheliyaan fannaaniin kale oo suugaan kala duwan ka haqab-tiray dadweynihii bulshadii caawa ku kulantay munaasibaddda.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa ahna aasaasaha Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo hadal mahadnaq u badan ka jeediyey munaasibadda Xidhitaanka bandhigga, ayaa u mahad-celiyey Dadka ka qayb-galay ee gudaha iyo dalka dibaddiisa uga yimi bandhigga iyo cid kasta oo qayb laxaad leh ka qaadatay oo Ciidamada ammaanku ku jiraan.

Jaamac Muuse Biixi waxa uu si gaar ah mahad-celiyey Saxaafadda Somaliland guud ahaan oo uu husay inay si hagar la’aan ah baahiyeen wararka iyo barnaamijyada Bandhigga muddadii todobaadka ahaa ee uu socday.

“Waxaan doonayaa inaan u mahad-naqo ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ciidamada amniga oo magaaladan oo cidhiidhi ah oo dadkoo imanaya oo xaruntu qaadaysaa ay saddex laab ka badan yihiin haddana inoo saamaxay saamaxay inaynu si nabad ah ku soo galno, si nabad ah ku baxno oo si basar leh gawaadhideenna loo hago.

Waxaan u mahad-celinayaa dhalinyarada gobollada Somaliland ka timi ee lixda cisho halkan nala joogay ee sababta ay u joogeen ahayd inay shaqeeyaan oo wax bartaan oo Deris-wanaagga ay dib ugula noqdaan meelihii ay ka yimaaddeen.

Waxaan u mahad-celinayaa macalimiintii dunida daafaheeda uga timi inay wax baraan oo waxbarashada rasmi ah ee wakhtiga kooban ku baxday laakiin aadka u koobnayd halkan inagula wadaagay,” Sidaas ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac, isagoo intaas ku daray, “

Jaamac Muuse Jaamac waxa uu sheegay in bandhigga 14aad ee Buugaagta Hargeysa kaga duwan yihiin kuwii sannadihii hore iyadoo qabsoomiddiisa iyo dhaqaalaha ku baxay dalka gudihiisa ku kooban yahay, waxaanu si gaar ah ugu mahad-celiyey shirkadda Daallo Airlines oo uu sheegay inay doorka ugu weyn ku lahayd qabsoomidda bandhigga 14aad ee Buugaagta Hargeysa.

“Bandhigga Buugaagta Hargeysa haddan is-yidhaahdo cidda suurto-galisay u mahad-naq habeen dhan bay innaga qaadanaysaa, laakiin waxaan doonayaa inaan caawa idinla wadaago Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa gaar ahaan kan 2021 inuu yahay mid Somaliland gudaheeda ku eg oo ku qabsoomay xoog ay reer Somaliland isu geeyeen. Sidaa daraadeed, dadkii is-garab taagay ee kaga dhabeeyey inay hirgasho ee xooggooda, maskaxdooda iyo maalkooda ku deeqay baan doonayaa inaan u mahad-celiyo. Hore waynu u sheegnay ciddii taageertay bandhiggan, Laakiin hal qof baan doonayaa inaan gaar ugu mahad-celiyo – Maxamed Yaasiin Colaad iyo Daallo Airlines, waxaan doonayaa inaan si gaar ah ugu mahad-celiyo,” Sidaas ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac.#Hayaannews.net

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Daallo Airlines, waxay go’aansatay, sidii horeba u dhacday iyadoo dalkani go’doon yahay oo dhibaato fara badan ka taagan tahay hormoodka ka noqotay inay adduunyada ku xidho oo Somaliland mar aan si kale lagu baxaynin ay noqotay shirkaddii calanka dalkan qaadday si ay umaddani dunida inteeda kale ugu xidhanto. Waxaan ku farxay in maamulka shirkaddu iyadoo aan loo tagin ay nala soo xidhiidheen oo jeclaysteen si ay isu garab-istaagaan dhammaan dhalinyaradaas iyo dadkaas ka soo qayb-galay, hadday noqoto maal iyo hadday noqo muruq, hadday noqoto feker iyo hadday noqoto talo; intaba si kalgal leh, dadnimo leh, dalnimo leh ku garab istaagay. Si gaar ahbay ii taabatay ficilka uu sameeyey Colaad iyo Daallo Airlines, runtii waxay muujieen qiimaha uu leeyahay iyo nuxurka macnaha ka dambeeya barnaamijkan”.

Guddoomiye Jaamac Muuse Jaamac waxa kale oo uu mahad-celiyey Dadka ka-qayb-galka barnaamijka uga yimi dalka dibaddiisa ha ahaadaan muwaadiniin ama dad ajaanib ah oo sida uu sheegay tiradoodu kor u dhaaftay 100 qof.

“Barnaamijani wuxuu ku hirgalay fekerka, xoogga iyo caqli ay isu geeyeen dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan intii halkan joogtay ee ahaa Is-dirayaasha (Volunteers) iyo hawl-wadeennada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo markan kaligood barnaamijkan maamulay, ayaa doonayaa inaan u mahad-celiyo.,” Sidaas ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac, isagoo sidoo kale si gaar ah ugu mahad-celiyey dadka ka-qayb-galka Bandhigga uga kala yimi waddamada deriska ah.

Waxa uu Jaamac Muuse xusay Marwo Edna Aadan iyo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo uu labadooda ku tilmaamay inay yihiin Astaanta uu leeyahay bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa isla markaana ay maskaxdooda iyo xooggooda u hureen qabsoomiddiisa. Waxa kale oo uu mahad-naq uu jeediyey Bahda Fanka, Fanaaniinta iyo Farxasanka oo qayb laxaad leh ka qaatay Barnaamijka Bandhigga 14aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa.

Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiyuhu ka hadlay tirada buugaagta la iibsaday muddadii toddobaadka ahayd ee Bandhiggu socday iyo magacyada saddexda buug ee ugu iibsiga badnaa muddadaas.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa waxa uu madasha ka sheegay in Bandhigga Buugaagta caalamiga ah Hargeysa laga iibsaday in ka badan 4,500 buug, isla markaana buuggii loogu iibsiga badnaa ee xarunta lagu soo bandhigay uu noqday Buugga ‘Hawaale Warran’ ee uu qoray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Halka Buugga labaad ee tiro ahaan ugu iibsiga badnaa noqday buugga Foolaad oo laga qoray Sooyaalkii iyo Fankii Allah ha u naxariistee Maxamed Mooge Liibaan. Waxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay in buugga saddexaad ee ugu iibsiga badnaa noqday Buugga ‘Mahadho’ oo ay qortay Fadxiya Cabsiiye.

Munaasibadda Jimcaha xalay lagu soo xidhay bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta oo martisharaf tiro badan iyo boqolaal shacabka Somaliland ahi ay goobjoog ahaayeen, ayaa ku soo xidhmay kuna soo gebo-gabooway Jewi deggen.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com