#SOMALILAND: Beesha Caalamka Oo Baaq Ka Soo Saaray Doorashooyinka

Hargeysa (Hayaannews):- Beesha Caalamka ee taageerta doorashooyinka Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay maanta soo saareen kaga hadlay nidaamka dimuqraadiyeed ee dalka iyo diyaar-garwoga doorashooyinka la filayo inaydalka ka dhacaan sannadkan 2022-ka.

War-murtiyeed oo ay si wada-jir ah u soo saareen Midowga Yurub, Ingiriiska, Denmark, Finland, Germany, Norway iyo Sweden, ayaa daba-socda socdaal ay 24-kii bishan dalka ku yimaaddeen wakiillo ka socda beesha caalamka, kuwaas oo muddo saddex maalmood ah oo ay ku sugnaayeen magaalada Hargeysa kulamo kala duwan oo khuseeya arrimaha doorashooyinka kula yeeshay Axsaabta siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka, Goleyaasha Baarlamaanka, Waaxda Garsoorka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in ujeeddada socdaalka ay dhawaan ku tageen magaalada Hargeysa ahayd sidii ay dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ugala xaajoon lahayn lahaayeen tallaabooyinka xiga ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo wakhtiga ay qabsoomayaan Doorashooyinka Somaliland.

Saaxiibbada Beesha Caalamku waxa ay mar kale bogaadiyeen midho-dhalkii ka dhashay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee sannadkii hore ka qabsoomay Somaliland, waxaanay ugu baaqeen dhinacyada siyaasadda ee Somaliland inay isla meel-dhigaan muddeynta doorashooyina soo socda iyadoo loo marayo wada-xaajood loo dhan yahay oo ka shidaal-qaadanaya Shuruucda dalka.

War-murtiyeedka ka soo baxay Beesha Caalamka oo ay soo saartay Safaaradda Dowladda Ingiriiska oo wakiil ka ah, waxa lagu yidhi, “Ka dib markii ay Somaliland si guul ah ugu qabsoontay Doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka sannadkii hore, saaxiibada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay booqasho ku yimaaddeen Hargeysa 24-kii ilaa 27-kii January si ay ugala hadlaan dhinacyada ay khusayso tallaabooyinka xiga iyo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka Somaliland.”

“Waxaanu ku dhiirigelinaynaa madaxda siyaasadda Somaliland inay caddeeyaan dariiqa loo marayo doorashooyinka soo socda, iyada oo la adeegsanayo hannaan wada-tashi oo loo dhan yahay, kuna heshiiyaan qorshe doorasho oo midaysan oo waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Somaliland iyo in la xaqiijiyo in hannaanka doorashooyinku ka tarjumayo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland hadday tahay ka-qayb-galinta haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ay soo saareen beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyeed ee Somaliland.

Saaxiibbada Beesha Caalamku waxa ay ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ka-hor inta aan la gaadhin wakhtiga loo muddeeyey doorashooyinka, waxaanay war-murtiyeedka ku yidhaahdeen, “Waxa muhiim ah in wakhtigan xaadirka ah la gudo-galo diyaar garowga ay komishanka doorashooyinka qaranku ugu diyaar garoobayaan Diwaan-galinta codbixiyayaasha si loo dhamaystiro ka hor wakhtiga doorashada soo socota.

Anagoo ah saaxiibbada taageera geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanu doonaynaa inaanu sii wadno taageeradayada iyo wada-shaqaynta si loo gaadho guulaha muhiimka ah ee hadhay,” sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka oo ay ku saxeexan yihiin Saaxiibbada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Ingiriiska, Denmark, Sweden, Germany, Finland iyo Norway.

Wakiillo ka socda beesha Caalamka, ayaa toddobaadkii hore socdaal ku yimi Hargeysa, waxaanay kulamo gooni-gooni ah la qaateen Goleyaasha Sharci-dejinta, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Hoggaanka saddexda Xisbi Qaran, Guddiga Doorashooyinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo hay’adaha Xukuumadda ee ku lug leh arrimaha Doorashooyinka

Waddamada iyo ururrada ku saxeexan baaqa ayaa kala ah, Midowga Yurub, Denmark, Finland, Germany, Norway, Sweden iyo dowlada Ingiriiska.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com