#SOMALILAND: Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Biixi Kala Hadlay Doorashooyinka iyo Arrimo Kale

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka kooban Safiirrada dalalka taageerada dhaqaale ku bixiya doorashooyinka Somaliland.

Weftiga ayaa ka koobnaa safiirrada dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Midowga Yurub iyo madaxa xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka socda safaaradda Jarmalka iyo xafiiska horumarinta ee UK.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo madaxtooyada ka soo baxay, “Waxa kulanka lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland, xaaladda abaareed ee dalka ku sii baahaysa, Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDPIII), iyo doorka beesha caalamku ka geysan karaan fulinta qorshahaasi, arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo wadashaqayn in sannadkani lagu hawl-galo lana dardar-geliyo hawluhu siday u kala muhiimsan yihiin una kala mudan yihiin.

Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Safiirka Somaliland ee Kenya.