SOMALILAND: Booliskii Ugu Tirada Badnaa Ee Laga Dilo Ciidamada.

Hareysa(Hayaannews): War-bixinta Sanad laha ah ee Ciidanka Booliska Somaliland oo la soo bandhigo Xuska Aasaaska Ciidanka Booliska oo asteysnayd 3 November 2021 sannad kasta ayaa si weyn loogu dabaal-degay guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xarunta taliska Ciidanka booliska Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

Danbiyada Sanadka Somaliland ka dhacay 19230 danbi,

Dilalka ka dhacay 98 dil.

Kufsiga dhacay 232.

Shilalka Gaadiidka 5581 Shil.

Caruurta la tuuray 40

Xuska 28-guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sannadkan ka duwanayd sanadihii hore, kadib markii ay dawladaha jaarka gaar ahaan dawlada Jabuuti iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ka soo qeybgaleen Xuskan oo la weyneeyeey.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com