SOMALILAND: Cisbitaal Caalami Ah Oo Baadhaya Baahiyaha Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Hargeys-(Hayaannews) Cisbitaalka Wan Fang ayaa bilaabaya daraasayn iyo baadhis ku samaynaayo baahiyaha gaarka ee ka jira Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Amb. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa sheegay in cisbitaalkan Wan Fang uu waayo aragnimo badan u leeyahay bixinta adeegyo caafimaad oo caalami ah, hawl wadeenadiisuna ay mashaariic ka soo fuliyeen ilaa 42 dal oo hore.

Danjir Maxamed Xaaji ayaa sheegay in ay isla garteen maamulka cisbitaalka in ay bilaabaan hawsha hordhaca ah ee daraasaynta baahiyaha cisbitaalka bisha soo socota dhexdeeda.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Amb. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, waxa uu sheegay in dalku baahi weyn u qabo adeegyada caafimaad, waxana uu yidhi “Horumarinta adeegyada caafimaadku waa kuwo ay Somaliland baahi weyn u qabto, anaga oo taa ka duulayna, shalay waxa aanu kulan gogol xaadh ah la qaadanay madaxda Wan Fang Hospital oo hormood ka noqon doonta hawsha casriyaynta iyo horumarinta cisbitaalka weyn ee Hargeysa (Hargeisa Group Hospital). Kulankani wuxuu daba socdaa oo uu ka midho dhalinayaa heshiiskii caafimaad (Medical Cooperation Agreement) ee 16kii June 2021 ay kala saxeexdeen labadda wasiir arrimo dabadeed.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com